30 SANO KADIB SALBALLAAR OO WALI DHULBOOB KA WADDA AFGOOYE JBM LAAKIIN!!

0
243

Reer Afgooye asalka boqortooyada Maayland waxaa la gudboon inay si dhab ah u kacaan kolkani oo ay dulmigu ka dhiidhiyaan iskana diidaan gumaysiga guduhu wado isir-sifaynta guud ahaanba.

Magaalada Afgooye gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland (JBM) Dhul-Boob xooggan ayaa ka socda, kaasoo ay wadaan koox qawlaysato mooryaan ah ee uu hor boodayo ninka lagu magacaabo Mudane Nuur Xayir u dhashay Galmudug Salballaar Two oo ku magacaaban Taliyaha-Xoojinta Ciidanka degmada Afgooye gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland (JBM).

Dhulkaasi wuxuu ku yaalaa MCH- ka Aamino Macaani dhinaciisa degmada Afgooye JBM, wuxuuna ka soo horjeedaa Shaleemada Gaalka, waxaa uuna dhawr talaabo u jiraa Saldhigga degmadan 30-kan sanadood cidda iska leh wali lagu wareersanyahay.

Dhowaan ayay ahayd markii uu guddomiyaha gobolka uu soo saaray wareegto lagu joojinayo dhul-boobka iyo in la dhisto dhul dan guud dhulwaynaha Maayland dadkiisu 70-kii sanadoodo u dambeeyay lagu gumaadayay magaca calanka buluugga qarannimada Soomaaliya walina isla astaantaasi dowlladnimadu lagu dhibaataynayo cawo iyo dharaarba dhiiggooda la iska qubayo loona cabbayo sida faantada, jirina cid iska warsanaysa dhiiggooda iyo maalkooda mood iyo noolba la siqiir-wajiqinayo sifo ka dhan ah diinteena suuban samaawiga ah Islaamka iyo dhaqanka toosan Soomaalidamu leedahay iyo waliba qawaaniinta caalamiga aadmigu dagsaday kuna dhaqmo maatadan dunidu ay ku kala socoto.

Horayna waxaa wareegto dhulkaan haatan la boobayo uga soo saaray Taliye-Kuxigeenka Booliska Federaalka Soomaaliya, oo ah in aan la dhisan karin dhulkaasi, balse, dowlladdu waxaa laga rabay inay awood ciidan ku joojiso dhismahan sharci-darrada ah, iyado loogu baaqayo shacabwaynaha degmada Afgooye gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland (JBM) inay fadhiga ka sara kacaan oo ay ka dhiidhiyaan dhulkan danta guud ah in shaqsiyaad ay iska dhistaan soo duulay Maayland aanay u dhalan.

Reer Afgooye JBM waa inay qaadaan talaabooyin walba oo a ku joojin karayaan in dhulkan la dhisto, sidaa waxaa qaba dhamaan waxgaradka u dhashay Reer Maayland iskana diiddan dulmigan dabada dheeraday sabab looga dhigay gardarooyinka duullaamada qaawan ku binan “gurigaaga aan kugu maamulo, kayguna waa ii gooni.”

Ugudambayntii waxaa meesha ka muuqanaysa sida wararku ay xaqiijinayaan in Salballaar dhulkii sharci-darrada ahaa ee loo diidayay ay imika doonayaan inay dib u dhisantaan, hadhowdiina dadkii dhulka u dhashay ay ku yiraahdaa “Eelaay-Wiiq, Wiliq, Wiliq, Af-jinni-jinniyow ku hadla awalba Soomaali sheegadbaad ku ahaydeene, ka guurka dhulkan.”

Dad xog ogaal ah waxay warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya afka qalaad loo yaqaan Southern Media Co-Operation (SMC) ay u xaqiijiyeen dhulkan inuu yahay dhul-dowladeed oo dan guud ah, horayna dhowr mar loo diiday in shaqsiyaad ay dhistaan, balse dhawaanahan koox reer Galmudug Salballaar Two ah isku dayayaan inay si dhuumaalaysi ah ku dhisteen.

Bishii May 2020 ayay ahayd kadib markii kacdoon dadwayne qarxay awgi dhismaha lagu joojiyay, haddase si dhuumalaysi ah ay ku dhisan rabaan.

Maxaa loogu doolaabayaa duhur cad in la is-boobo amar Alle laakiin!!

By:Adam Increase

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here