35 FUUSTO SHIDAALKA MILATARIGA QARANKA OO LA DHACAY IYO TALIYE ODAWAA OO FASAXAY SARKAALKII DHACAY

0
92

Boodaarintooda iyo buusidda ay buusayaan saraakiisha iyo ciidanka xoogga military dalka u dhashay Maayland, cibarka taagan alaaba xaqiiqda ka jirta daahson wasaaradda gaashaandhigga federaalka Soomaaliya, si aynu idin kaga dhargino dhacdooyinkii dambeeyay ee xad-gudubyadii ku dhacay garbaguduudda Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland ku jira dowlladda federaalka Soomaaliya.
Sida qaalibka ah milatarigu waxaa uu leeyahay xeerar iyo qawaaniin u gaar ah kala haga saraaiisha iyo ciidankuba laguna wada hawlgalo, balse shuruucdaasi haddii la baalmaro waa rati caloosha ka raris sida ay haatanba samaynayaan qolyaha dhiisha wayn qabyaaladdu ka buuxdo linkaxna looga dhigay (qab iyo iilku) dhabarka ugu raran tahay Maxagi, gaar ahaan beelaha guud Maxamed C/LLaahi Farmaajo iyo Galmudug oo sida aan la dafari karin duullaanka qaawan ku soo qaaday dhulka iyo dadka iyo duunyada bulshawaynta malaayinta Maayow-Maayga tiro Soomaali ka dhigan 55% dagaano iskana leh mandiqaddan burwaaqada ta la isku haystaba webiyadu ku weegaaran yihin baddanuna ku go’an tahay min seeriga Itoobiya iyo Kiiniya jiridda misjiidka Arbaca-Rukun.


Abaanduulaha ururka 4-aad Danab fadhigiisu yahay garoonka wayn dayuuradaha Bilidoogle gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland Kabtan Maxamed Isaaq iyo taliyihiisi gaadiidka Kabtan Cabdalla oo labadooduba si gardara xabsige dhexe Muqdisho liintu ugu cabbayaan imikadan Maaynimo aawadeed iyo weeraha shalax shalaxda leh, se durayga lagu duray daranihii intuu helay ee ah “sababta aad qaranka daacadnimo ugugu shaqayseen waa maxay, oon hantidan annagu dhacnay ummaddu ka dhaxayso aad u dabagasheen tuugninadeena,” darteed iyana loogu bursanayo, waxay ahayd, walow aanay dambiilayaal ahayn lana nabayo dulmanayaal ay yihiin, xitaa haddii dulmiga lagu xidhay in nidaamka eedeysanayaasha la soo mariyay ahayd, mar haddiiiba laga xishoon waayay sarkaal in la xiro kumaandoosta injir iyo dhiqle goob ay boqranayaan gogol looga dhigo sinaba insaanku aanay u roonayn in lagu xabbiso.


Abaanduule Kabtan Maxamed Isaaq iyo Kabtan Cabdalla ayaan dhowayd iyako xabsiga ku jira waxaa loo soo diray guddi saraakiil baarayaal ah oo su’aalo waydiinaya, yaabka dhacay, guddidii oo hawsheeda wadata waxaa lagu yiri “joojiya baaritaanka,” dabadeedna Kabtan Maxamed Isaaq iyo Kabtan Cabdalla waxaa loo sheegay in maxkamad la saarayo, iyado 2-xarigle Ismaaciilkii awalna Jiniqaar Cabdi-Bilihii qaranku lahaa ee uu gatay Kabtan Cabdalla lagu nabay dullaalnimadiisu iib-gayntu qaabilsanaa kuna beesha ah taliyaha ciidanka xoogga janaraal Odawaa lagu yiri “orodo soo kaxeeyo maxkamadda geeh”, bale saraakiishu aan maxkamad la gayn, kaliya maxkamadda iriddeeda into la soo hor marsiiyay haddana xabsiga dib loogu soo celshay laguna yiri “dambiilayaal baad tihiin,” oo qura caddaaladdan mareegta siibatay caddaalad-daridan mamfacdoonka ah qarnigan.


Sharciyan saraakiishan dulman ee khaladka loo haysto, haddii been beenta eerka ku dhisan ay soo dhoodhoobeen jaa’iriintu ay doonayaan inay wax uun ka socodsiiyaan makrigoodu, waxay ahayd inay kolka koobaad xeerka seerjitada iyo saraakiishuba u yaal ay baaritaan buuxa mariyaan, kadibna ay u soo diraan (Military Intelligence) Hangash baarta, dabadeedna ay CID marsiiyaan mar kale la sii baaro, deetana taliyaha ciidanka xooggu baaritaankiisu kalkiisu dhamaysto ugu dambayntiina maxkamadda militariga loo sii gudbiyo ooy (military tribunal) xukunto dambi iyo dambi la’aan, balse sidaa ma aysan dhicin, waxaase dhacdayo saraakishan la takooray Maayland-nimo darteed loo eryanayo boosaska laga riixan rabo lagu sameeyay sida aynu kor ku soo xusnay sharci-ka-boodka ah sifooyinkii qaab-nololeedka duurjoogta, oo midba midka uu ka itaal badan yahay uu iska tufoqsanayay cayriinkiisuna cunayay oo kale.


Waxaa xusid mudan, in Hangashto uu haysto nin darajadiisu kabtan ay tahay ku beel ah raysal-wasaare Xasan Cali Kheyre oo hadda dibadda ku maqan kuxigeenkiisuna uu yahay sarkaal Maayland u dhashay jooga xafiiska, bacdama Kabtan Maxamed Isaaq iyo Kabtan Cabdalla waxa lagu haystaba ay sharcidaro tahay, maqnaanshiyaha uu maqanyahay taliyaha Hangashta ka Maxagi iyo joogista uu joogo xaadir ku yahay haatan xafiisku sarkaalka Maaygi hawsha toos u wada, aawadeed, si fashil aanu ugu dhicin kuwa baaddilka wada iftiin-diidka fuuqul-mugdigga ah, ayaa loo garab maray (military Intelligence) Hangashtu inay waajibkoodu baaritaaneed ay ka gutaan abaanduule Maxamed Isaaq iyo taliyaha gadiidka Danab Bilidoogle gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland.


Maalintii shalay ahayd taliyaha saadka ururka 4-aad Danab-ta Bilidoogle 2-xiddigle Jaamac Furux u dhashay Galmudug horayna Jiniqaarka Farmaajo ku beesha ah Cabdi-Bilihii qaranku lahaa ee uu isagu gatay ku masabiday Kabtan Cabdallaha Maayland u dhashay mar 2aad loo dhiibay si uu u soo baayaco, isago gorgorinaayana Suuqa-Xoolaha Muqdisho ciidanku qaranku ay ku soo qabteen, Furuxaasu waxaa uu gatay 35 fuusto shidaalku qaranku leeyahay ah.
Jaamac Furux goortii dambigaasi lagu helay waxaa lagu yiri “reestaad tahay,” waxaana islamarkii wasaaradda gaashaandhigga oo sideedaba baryahan kackacaysa beel beel arrinteedu noqotay Maay iyo Maxa soo gaaray Saadaq Joon iyo Laba-Afle iyo Bac-Bacle iyo Liibaan Madaxwayne iyo dhamaan moortaantii tuutaha dowlladda loo gelshay ee Galmudug, waxaana Odawaa lagu yiri taliyaha ciidanka xoogga ku beesha ah Madaxwayne Xasan Safarow “waryaa, adiga iyo Jiniqaar saraakiisha iyo askartii dambiilyaasha ahaa beelihiina ka kala dhashay, waa adinkii damiintayo beenbeen ku sii daayaye, ma keenaad haysan kartaa, dambigaaga ma naqaanee ma soo daynaysaa Furux, mise ma soo daynaysid,” waxaa uuna Janaraal Odawaa uu ku jawaabay “waan idiin sii daayay,” oo 2-xiddigle Jamac Furuxna wiilka Reer Galmudugi xalay gurigiisu uu ku hoyday, halka Kabtan Maxamed Isaaq iyo Kabtan Cabdallana iyago qaranka daacadnimo ugu adeegaya xabsi ay ku abaadayaan bacdama nasiibkoodu uu noqday Maayland inay u dhashaan xildhibaan iyo siyaasi u doodaya miiska u garacaaya aanay lahayn joogadeenan dunidan qiiqdayo gubatay ololaysa arrinkeeduba noqday xoog xoog iyo reer hebel annagaa saraynta leh gar iyo gardaraba.


Isla umuurtan walaaqan wasiirka gaashaandhigga federaalka Soomaaliya oo u dhashay Maayland lagu magacaabo Mudane Xasan Amar-Dameer oo sayidkiisi Xasan Cali Kheyre Baydhabo kula sugan, mar ay xildhibaanada JBM Baay ku sugan heerka gobolka ah wax ka waydiiyeen xaalka saraakiisha gardarada Muqdisho ugu xiran Maayland-ka u dhashay sida:- Abaanduule Maxamed Isaaq iyo Kabtan Cabdalla, waxaa uu ku jawaabay in “raggaasi ay hantidu qaranku dhaceen iyaku ay gacantoodu ku siixeen aanu waxba ka qaban karin,” taasoona sida Amar-Dameer uu xildhibaanadu sheegayo waydiintoodu ugu jawaabay, been cad ay tahay, sababto ah, haddii hal saxiix dirqi ah xitaa saraakiishaasi dulmiga u xiran laga hayn lahaa, kol hore kuwan tuugada Maxagi isa soo bahaysatay maxkamadda degdeg u gayn lahaayeen si loo buuso wiilasha waxbartay qubarada akadeemigga kartida iyo dhiigga dadnimadu leh duriyaddii iyo hilbihii Maayland, tahayna ilaa iyo haatan waxa ay sharciga uga warwareeganayaan, inaanay haba yaraatee wax caddayn been ah xitaa aanay gacanta ugu jirin ardaalladu iska saramariyay sharciga dhan isaga xooray oo xayraanimadu la soo taagtaagan indhacaddays aan waxba lagu gaari doonin kolkan, waxna looga qaadi doonin isirka saraakiisha iyo ciidanka geesiyinta wada ah birjeexyada ishoodu aanay farta gelin guushu xigsanaaya geeddigooda fardaha gantamaya ciilka gaboobay ka afka duwan Maxaga, kaa dhoohan lo’ rajiyayska ku soo takhasusay seerjito aanu xabbad ka ogayn mooradii xoolaha dabadeed toos loogu fariisayay kursiga wasaaradda difaaca Soomaaliya Kheyre biiti ku orodsiinaya Baydhabo, sidaana ku matalaya saamiga malaayin qoomiyad dhan oo kala baro badh ka badan Soomaalida inteeda kale.


Wasaaradda gaashaandhigga federaalka Soomaaliya oo subax waliba ay saraakiishu ku kulmaan shirna ay ku wada galaan, maalintii shalay ahayd kuwa Maayland u dhashay Janaraal Odawaa taliyaha ciidanka Xoogga iyo Jiniqaarka Farmaajaha ku beesha ah ku magacaaban taliyaha Danab Bilidoogle iyo xulufadooda Maxagi kuna jira xeer ilaaliyaha qaranka isna ka ku magacaaban Jiniqaar ku beesha ah qabyaaladdu la dagtay Kabtan Ismaaciil, waa loo indha guduudiyay miiska ayaana loo garaacay, waxaana iyado runta loo sheegayo lagu yiri “waryaada tuugayahay, kuwiino dambiilayaasha rasmiga waad dadamiinanaysaan banaanka intaad geysaan ayay hawshoodu iska wadanayaan, kuweenana iyagon dambi lahayn ayaad xabsi ku haynaysaan ku dheel dheelaysaan miyaa dushooda faan iyo cay, wadaraay way noo taallaa, haysta haddaad haysan kartaan hadduu qabiil uu qabiil ka xoog badan yahay, waana lagu kala kacayo dureeray miiskii fadhiga saraakiisha wasaaradda gaashaandhigga dowlladda federaalka Soomaaliya oo ay garwadeen ka yihiin waraabayaasha ugu saqarjaansan inta waraabayaal la arkayay kuraasta dalku Villa Somalia fadhida waraabiyaashii hore wax ka duwan dagaagga wahanka iyo waallida warankuun kaa waaban karaya wahankoodu wuxu taariikhda kuwan isu habar wacday aanay Maayga ahayn waxa loogu yeero Maxaga aan diin iyo dhaqan midna aan kaa reebin madanahaagan mooyaane.

Qabka la isku dhaafsan yahay waa qaddiyad qarawayn


By:Adam Increase

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here