Afar Su’aal oo ay tahay inay Xildhibaannada Baarlamaanka weydiiyaan Wasiir Maareeye [Akhriso]

0
34

Wasiirka warfafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye  ayaa maanta lagu wadaa inuu hor tago xildhibaanada Golaha Shacabka, kadib markii ay dalbadeen qaar ka mida xildhibananda oo mooshin ka gudbiyey.

Su’aalaha xildhibananad ay doonayaan inay weydiiyaan wasiir Maareeye ayaa salka ku haya qaabka warbaahinta dowladda ay u tabiso wararka baarlamaanka iyo su’aalo kale inay joojisay in si toos ah looga daawado TV-ga Qaranka Doodaha socota ee Shraciga Doorashada.

Haddaba waxaan halkan ku soo bandhigeynaa 4 su’aalood oo ay tahay inay xildhibaannada Baarlamaanka ku darsadaan su’aalahooda, lana weydiiyo Wasiir Maareeye oo intii uu xilka Wasaaradan qabtay magaaabid badan sameeyay, isla markaana soo saaray war-saxaafadeedyo fara badan oo kii ugu danbeeyay khilaaf ka dhex abuuray wasaaradda waxbarashada, waxayna ka yihiin:

1- Maxay qabtaan Shaqaalaha boqolaalka ah ee Wasaaradda u qoran oo qaarkood magac ahaan isaga qoran yihiin [Tirada badan iyo tayada liidata ee Wasaaradda]

2- Maxaa keenay in Warbaahinta Qaranka, siiba Radio Muqdisho laga sii daayo idaacadda VOA-da? [Ma dhaqaale ayaa kasoo gala mise wax ka weyn ayaa ku qarsoon]

3- Sidee ku dhacday in Warbaahinta dowladda ay lacag ku raadiso wararka ah tebiso [Tusaale ahaan lacag ay ka dalbadeen Guddigii xukuumadduu sameysay arrimah fatahaadda]

4- Maxay Wasaaradda Warfaafinta u dhaqangelin weyday Sharciga Saxaafadda, maxayse ula kala safatay ururrada saxafiyiinta ee is khilaafsan..?

Waxaa xusid mudan in Miisaaniyadda Wasaarada Warfaafinta ay ku dhowdahay 5 Milyan oo Doolar oo ka timaada canshuurta shacabka laga qaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here