Afhayeenka Madaxsha Xisbiyada Qaran oo kulan qarsoodi ah laqaatey Teliya NISA

0
37

Afhayeenka madasha xisbiyada Qaran, horena usoo qabtey Safiirkii safaarada Soomaaliya ee Suudaan iyo Agaasime kuxigeenkii madaxtooyada Qaranka ayaa kulan qarsoodi ah laqaatey Teliyaha Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin.
kulanka ayaa kadhacey xaruunta Hay’ada NISA waxaana codsiga kulanka lahaa Liibaan Shoorle oo ah Afhayeenka Madasha Xisbiyada Qaran sida ay xaqiijinayaan ilo goob joogayaal ah.
warar hoose aan helney ayaa sheegaya in Afhayeenka Madasha codsadey in loo magacaabo Agaasimiha Madaxtooyada Soomaaliya oo lasheegey in uu katagey DR. Fuursade.
Liibaan Shoorle ayaa lasheegey in uu balan qaadey In uu afhayeenka iska casili doono hadii loo baqal qaado Xilka uu codsadey.
Teliya NISA ayaa lasheegey in uu ku gacanseerey, waxaana liibaan shoorle lasheegey in uu ku hungoobey codsigii uu u jeediyey Teliye Fahad.
Afhayeenka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lasheegey in uu markale codsadey in uu lakulmo Fahad Yaasiin oo lasheego in uu yahay jiheeyahay DM farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here