Akhriso:-DFS, Maamul Goboleedyadda iyo Gobolka Banaadir oo Qodobo Ku Heshiiyay

0
41

Saacadiihi lasoo dhaafay waxa magaalada muqdisho kulamo gaar gaar ah ay uga socnayeen madaxda dowlada faderalka ah iyo kuwa maamulka goboleedyada dalka oo wehliyo mamulka gobolka banaadir  kuwaasi oo inta badan la sheegay in ay ka wada hadlayeen arimo kusabsan doorashooyinka la filayo in dalka ay ka dhacaan iyo arimo kale

Wararka aan helayno ayaa waxa ay sheegyaan in madaxweynaha jfs iyo madaxweynayaashaa dowlad goboleedyada ay ka wada hadleen arimha doorashyinka waxaana laisku soo hadal qaaday sida wararku ay sheegayaan gudiga doorashooyink a ee heer faderal iyo heer dowlad goboleed iyo qaabkii loomagacaabialaha

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa isku fahmay dhismaha illaa Saddex Guddi ee daadihinaya doorashada Xildhibaannada Labada Aqal, waxaana labo ka mid ah Guddiyadaas isugu jiraan Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo marjac u noqon doona labada Guddi ee kale.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in la isla gartay waqtiga doorashada Xildhibaannada labada aqal dhacayaan, sida doorashada Aqalka Sare oo noqon doonta tan ugu horeysa ee dhici doonto, waxaana la filayaa dhamaadka bishan October illaa horaanta November inay dhici doonaan.

26-kii bishii September ayay aheyd markii Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ansixiyeen Heshiiska Arrimaha Doorashadda ay ku heshiiyeen Dowladda Dhexe, Maamul Goboleedyadda iyo Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here