Akhriso:- Khasaaraha ka dhashay qaraxa Muqdisho

0
27

Qaraxa oo ahaa miino wadada dhinaceeda la dhigay ayaa waxaa uu ka dhacay Wadada Gasha Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde wee ka leexata Isgoyska km4 inta aan la gaarin Hotelka Afriik.

Qaraxa ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in lala eegtay Gaari nooca aan xabada karin oo ay wateen Ciidamada Booliska Gaarka ah ee RRT ,waxaana jiro khasaaraha ka dhashay qaraxa.

Inta la xaqiijiyay hal  Ruux yaa qaraxa ku geeriyooday halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo dhamaantood ahaa dad wadada marayay, waxaana burbur uu soo gaaray Goob Ganacsi oo lagu iibiyo Qalabka Gaadiidka ee Spar Parts-ka loo yaqaan.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa muddo badan saacad waxaa ay hakiyeen isku socodka dadka iyo Gaadiidka walow ay markii dambe dib u fureen, waxaana xaaladda haatan ay noqotay mid caadi ah.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho kusoo batay qaraxyada miino ee wadada dhinaceeda la dhigo, iyada oo sidoo kale todobaadkii hore weerar ku bilaawday qarax lagu qaaday Hotelka Afriik oo u dhow Isgoyska km4 ee Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here