Akhriso maqaalkii Takoor Siyaasadeed qormadan ayaa ah mid farta ku godeysa

0
395

Takoor siyaasadeed Waxaad moodaa markey timaado inaad sheegto waxyaabaha dhabta ama waaqiciga ha ee ka jira dalka in durba bulshada qaar kuu aqoonsadaan ama ku gartaan inaad tahay mucaarad hadaba taa bedelkeeda waxaan oran lahaa inaad tusaaleyso tabasho , talo wadaag waa waxa looga fadhiyo inuusan gabin kaalintiisa muwaadin kasta oo leh dareen wadananimo qormadan ayaa ah mid farta ku godeysa habdhaqanka aan la jecleysan oo ka dhex jari habraaca siyaasada iyo takri fal ka ka dhexjira hogaanka dalka.

Waxaad ogtahay in maamul kasta inuu bedelo maamul kale taasoo aan ula jeedo xukuumadaihii isu bedbedelay xarig jiidka heykalkii dowladnimo waxaa jirta in ay tabanayaan takoor siyaasadeed taasoo marna daah saarney in Qowmiyada Digil iyo Mirifle ee degta Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan deegaanadi la isku oran jirey Passa Juba iyo Lower Juba marba marka sii dambeysa aad moodo in culeysyo ku habsadeen taaso aanu dhihi karno iney baahi weyn u qabaan cadaalad iyo sinaan.

Waxaa laga takooraa saami qeysiga siyasada , Luqada , shaqaaleynta hey,adaha maxaliga iyo dowlada intuba hadey Soomaali Soomaaliba baa leh ay tahay maxay tahay Soomalidan takooran Waxaa kaloo dhibaato ka jirtaa ayaa ah in aqoonyahanada aynaan si toos ah uga hadlin halka dhibta ka jirto oo u baahan in la saxo taasoo ay u dheer tahay shaqsiyaad nasiibka u yeeshey iney la shir tagaan magaca Qowmiyada Digil iyo Mirifle waxay marti ka yihiin go,aanka saxda ah oo wax loogu qabanaayo dadka iyaga magacooda meesha ku joogaan .

Maxaa sabab u ah in siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle u noqdaan daranyo kuwo loo adeegsado burburinta horumarka bulsho weynta ay kasoo jeedaan? Maxay ugu baahan yihiin ku tiirsanaan shaqsi kale oo wax dan ah ka gelin qowmiyadan ? jawaabta iiga soo baxadey ayey ah waa marka koowaade daneysi taasoo asal u ah dan guud uu ka hormariyo tiisa gaarka ah maxaase la gudboon mujtamaca heysto takoor siyaasadeedka nus qarni jirsadey? Qormooyin taxane ah ayaanu ugaga hadli doono insha Allah

fariintii Okash Sugow,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here