Akhriso:- Sababta uu u baaqday Shirkii Madaxweyne Farmaajo, Deni & Axmed Madoobe

0
60

Xalay ayaa qorshuhu ahaa in Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya uu kulan gaar ah uga furmo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland, kuwaas oo maalin ka hor soo gaaray Magaalada Muqdisho, hayeeshee kulankaas uu baaqday.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in sababaha kulanka uu u baaqday ay kamid tahay tabasho ay qabaan Maamulka Jubbaland iyo shuruudo ay ku xireen,sida in Ajandayaasha Shirka lagu soo daro arrimaha Gobolka Gedo oo Dowladda Soomaaliya ay geysay  Ciidamo farabadan  iyo arrimo kale, waxaana la sheegay in shuruudaas uu ku raacay Maamulka Puntland.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shalay gelinkii dambe shaaciyay in kulanka Madaxwyene Farmaajo & Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland uu furmi doono,isla markaana ay ka hadli doonaan Arrimaha doorashooyinka balse wax walba ay is bedeleen markii wafdiga Madaxweynaha Jubbaland ay shuruuda adag la yimaadeen.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda qorsheynta Jubbaland Aadam Ibraahim Aw Xirsi ayaa qaba in qorsho ka duwan arrimaha doorashada Soomaaliya ay Muqdisho la yimaadeen Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland, isla markaana ay bilaabeen gorgortan Siyaasadeed.

Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland ee Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe ayaan ka qeyb-gelin shirkii Dhuusamareeb 3 oo Go’aan looga gaaray nooca ay noqoneyso doorashada Soomaaliya, hayeeshee cadaadis uga yimid Beesha Caalamka ay ku yimaadeen Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here