AKHRISO:- UGAAS KASKEEY OO KU XIRAN XABSIGA 14 MAALMOOD AYAA KA CABANAYA CAAFIMAAD XUMO, KADIB MARKII DHAQTAR LOO DIIDAY.

0
154

Baiydhabo Somaliya-{SMC NEWSS}-ugaaska ayaa ciidamada Amniga ay ka oo xireen garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud, lama garanayo sababta loo xiray ugaaska, waxaase la tuhunsanyahay in sababta loo xiray ay tahay in uu ka qeeb galay caleema saarkii madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland kaasoo ay ka qeeyb galeen madax dhaqameedyo tira badan oo kakala socday Gpobolada Dalka.

Ugaaska oo maanta inta uu xiranyahay ay u tahay 14 maalmood ayaa wararka la helayo waxaa ay sheegayaan in aad u xanuunsanyahay oo loo diiday in uu dhaqtar tego, waxaana ilo wareedyo ay helayso idaacadda Warsan ay shegayaan in Ugaaska uu ka codsaday taliyaha xabsiga in uu kilida ka haayo xanuun ba’an oo dhaqtray uu u baahanyahay, taliyahana uu arinkaasi ku gacan seyray.

Xaaladda caafimaadka Ugaaska ayaa sii xumaanayey intaa wixii ka danbeeyey iyadoona wali uusan helin fasax uu ku tago ama uu ku soo booqdo dhaqtar xitaa Isbitaalka dhexdiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here