(Akhriso) War murtiyeed hordhac oo ka soo baxay IGAD & xiisada Kenya & Somalia oo aanan lagu soo qaadin

0
58

Warmurtiyeed hordhac oo aay heshay SMC ayaa ka soo baxay shir IGAD uga socday magaalada Jabuuti kaasoo maalintii shalay ahayd ka bilowday Hotelka Kambinzki.

Dowlad Federaalka aa sheegtay in aay dacwad ka gudbisay Kenya, isla markaana shir deg deg ah la isugu yeeray Madaxda Urur Goboleedka IGAD, balse war murtiyeedka ka soo baxay ayaanan lagu xusin arimaha Soomaaliya.

Sida uu u qoran yahay warmurtiyeedka ayaa ahaa mid lagu amrayay Farmaajo in uu dalka ka qabto doorasho, dhamaystiro wadahadalka uu la furay Somaliland, iyo in sare loo qaado la dagaalanka Al Shabab.

Sida ka muuqata warmurtiyeedka, shirka IGAD ayaa waxa uu ahaa mid marnaba aan lagu soo hadalqaadin khilaafka u dhaxeeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Dowlada Farmaajo ayaa horay u shaacisay in shirka IGAD looga hadli doono khilaafka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Shirka ayaa u muuqday mid loo qabtay dowlada Itoobiya si loogu taageero guusha uu Abiy Axmad ka keenay la dagaalanka Tigrey.

Halkaan ka aqriso warmurtiyeedka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here