Akhriso: Weerar lala damacsanaa guriga Duqa Boosaaso oo la fashiliyay

0
59

Wararka aan ka heleyno magaalada boosaaso ee xarunta gobolka bari ayaa waxa ay sheegayaan in xalay weerar xoogan oo la damacsanaa in lagu qaado hoyga duqa degmada boosaaso cabdi salaan bashiir cabdisalaan  ay fashiliyeen ciidamada ilaalada guriga duqa boosaaso.

Weerarkaan ayaa waxa la sheegay in ay doonayeen in ay qaadan xubno ka tirsan kooxda daacish,Waxaana la sheegay in iska hor imaad uu dhexmaray ciidamada ilaalada guriga duqa boosaaso iyo kooxdii weerarka damacsaneyd islamarkaasna uu ka dhashay qasaare kala duwan.

Saraakiisha ciidanka booliska putland ayaa sheegay in gacanta ay ku dhigeen hal ruux oo ka tirsan kooxdii weerarka damacsana islamarkasna waxa ay tilmaameen in ay goobta iska baxsadeen intii kale.

Waxaana la sheegay in isbitaal  loo qaaday ninkii ay nolasha ku qabteen ee dhawaca ahaa,wararka hoose oo ay simba helayso  ayaana sheegay in ruuxaasi la qabtay uu isku dayay in uu baxsado balse aysan usuurtagalin.

Weerarkaan la sheegay in la fashiliyay ayaa waxa uu imaanayaa  xili mudooyinkii dambe uu ad uwanaagsanaa amaanka magalada boosaaso ee xarunta gobolka bari mana jirin wax falal amnidaro ah oo laga soo sheegayay iyadoona ciidamada amaanka magaalada boosaaso la sheegay in mudooyinkii dambe ay kordhiyeen howlgalada ay ka sameeynayaan xaafada magaalaa kuwaasi oo lagu xaqiijinayo amaanka iyo xasilooniada deegaanada gobolka bari

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here