AKHRISO:-XILDHIBAANO IYO SENATARO LOO DIIDAY ILAALADII GAARKA U AHAYD

0
179

Baydhabo Somaaliya,{SMC}-Qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Senatarada Aqalka Sare ayaa laga qaaday ilaaladoodii kadib markii taliska ciidamada xoogga dalka ay u yeereen.

Senator Nuura Faarax Jaamac oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa sheegtay in taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage uu u yeeray ilaaladoodii loona diiday inay dib ugu soo laabtaan.

“Saddex askari oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo buuxiyay shuruudahoodii ayaa ilaalo ii ahayd hase yeeshee caawa waxaan ahay ilaalo la’aan.”ayay tiri Senatar Nuura Faarax.

Senatar Nuura ayaa ka codsatay Madaxweyne Jamhuuriyada Federalka  Farmaajo inuu arrinta soo farogeliyo oo uu wax ka qabto.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in sidoo kale ciidamada ilaalada u ahayd xildhibaano caan ah lagu amray inay ku soo xeroodaan Villa Baydhabo. Hase yeeshee ma jiro xildhibaan ama Senatar kale oo sheegay in ilaaladiisii loogaga yeeray taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here