AKHRISO XOGTAAN SHACABKA KOONFUR GALBEED WAXAY TIRSANAYAAN CADAALAD DARO SOO JIREEN AH:

0
264

Dulmar tariikh: Gumaystahii Yurubka ee doonaayay inay gumeeystaan Soomaaliya, meesha kaliya ee lagu jabiyay waxay ahayd Koonfur Soomaaliya waxaa taasi laga xusi karaa dagaalkii uu Boortaqiiska ku doonaayay inuu ku qabsado Soomaaliya ee kagu jabiyay Barawe sanadku makuu ahaa 1500, waxaa kaloo ayadana xusid mudan dagaalkii Lafoole ee kagu jabiyay Talyaaniga.

Sidoo kale markii uu Boqorkii Mililik uu isku dayay inuu Xamar qabsado waxaa dagaal kaga hortagay Sultankii Afgoye, waxaana meesha lagu jabiyay ciidankii 1500 askartii Axmaarada oo ahayd fordooleey, tasoo meesha ka saaratay inuu mar dambe lagu fikiro in lagu xadgudbo Soomaaliya.

Xuriyad doonkii:

Dhaqdhaqaaqii xuriyadda dalka Soomaaliya sida SYL aas aasayashoodi waxaa safka hore ugu jiray dadka ka soo jeedo koonfur Galbeed, tasoo laga xusi karo 13 dhalinyaradda inay hornuud u ahaayeen Sheikh Abdulkadir Sheikh Sakawadiin, Baarbe iyo Guudoow intoodaba ka soo jeedo Koonfur Galbeed.

Xisbigii labaad ee u dagaalamaayay xiriyada hadana aaminsanaa in dalka lagu dhaqo xukun wadaag HDMS ama Xisbiga waxaa aas aaskeeda lahaa Sheikh Abdulaahi Bagadi, Abucar Qassim, raadintii Ayo ka talinta Federaalka waxaa ku naf waayay Ustaad Osman oo ahaa ninkii ugu horeeyay ee political assassinations lagu sameeyo Soomaaliya 1954 asagoo u socda New York.

Koonfur Galbeed waxay ahayd hooygii xadaarada Soomaaliya sidoo kale meeshii laga fidonaayay Diinteena islaamka ee la gaarsiiyay ilaa Africa, tasoo laga xusi karo mushaqdii inta badan ka soo jeedo gobiladaas sida Sheikh Aways Qadiriya.

Dadkaas xadaaradda lahaa oo runtii ahaa salka ilbaxnimadda dalkeena Soomaaliya intii la qaatay xuriyadda waxaa lagu hayaa dulmi aan dhamaad lahayn, ayagoo maanta dalkoodi ka noqday dabaqada labaad (Second class citizen) sida ay tirsanayaan waxaa lagala dagaalamay dhanka dhaqaalaha iyo siyaasadda. Waxay dadkaasi tirada badan ee Soomaaliyeed intooda badan aad uga xun yihiin dulmiga siyaasadeed ee lagu haayo mudo laga bilaabo dulmigii uu u geeystay Talyaaniga ilaa xuriyada ka dibna dhib wayn ka soo gaaray burburkii dalka ayku naf waayeen boqolaalo kun, tasoo maanta ka dhigtay mushtamacaas ku dalkoodi ku noqday qaxooti.

Cadaalad daradda iyo dulmiga ay tirsanayaan Reer Koonfur Galbeed waxay sabab u noqotay in dhalinyaradoodi ay intooda badan ku biiraan xag jirka iyo nabad diidka, tasoo inta is qarxisa ay u badan yihiin dhalintaas ka soo jeedo goboladda Koonfur Galbeed, waxaa hubaal ah hadaan laga joojin faragelinta qaawan iyo dulmiga siyaasadeed inuu dalka Soomaaliyeed uusan waligiis nabad gaareeynin, waayo inta uu dulmi jiro nabad May jiri karto.

Waxaa la joogaa waqtigii guud ahaan shacabka Koonfur Galbeed ay diidi lahaayeen dulmiga joogtada ee lagu haayo masiirkooda siyaasadeed, waxaa kaloo waajib muqadas ah in meel looga soo wada jeesto kuwa siyaasiyiinta ee ayaga ka dhashay oo caadeeystay inay ka beec mushtaraan siyaasadooda, waayo inta badan dulmiga siyaasadeed ee lagu haayo mushtamacaas Soomaaliyeed waxaa loo soo maraa kuwa ayaga ka mid ah oo lagac iyo mansab ku raadsadda dulmiga kagu haayo shacabkaas.

Waxaan kula dardaarmayaa shacabka koonfur Galbeed inay diidaan dulmiga, ayagana aysan dulmi ku samaynin walaalaha kale ee Soomaaliyeed. Qof kasta ilaah wuxuu siiyay karaamo, qof kaa qaadi karo ka jirto ilaa aad adiga iska qaado

Wa bilaahi towfiiq. Qassim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here