Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar qaraxyo ku bilowday oo dagaalyahanadda Al-shabaab ay saakay ku qaadeen gudaha degmadda Qansaxdheere ee Gobolka Baay.
Weerarkaan ayaa lagu qaaday Saldhig Ciidamadda Maamulka Koonfur Soomaaiya ay ku leeyihiin Gudaha Degmadda Qansaxdheere ee Gobolka Baay.
Sida lagu baahiyay warbaahinta dagaalayahanadda Shabaab weerarka ayaa socday muddo saacado ah waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Sida Al-shabaab ay sheegeen weerarka waxaa lagu dilay sarkaal lagu magacaabi jiray Cali Mad Yeeroow 3-sarkaal kalana waa lagu dhaawacay.
Ma Jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Koonfur Soomaaliya loogu hadlaayo dagaalka ka dhacay Degmadda Qansaxdheere