AMISOM oo qiratay in Dad rayid ah ku dishay degaanka Janaale

0
98

Hawl-galka Midowga Africa ayaa qirtay in 3 ruux oo rayida dileen halka 2 kalena ay dhaawaceen kadiba weerar gaadmo oo Al-Shabaab ku soo qaadeen ciidankooda oo maraya marin muhiim ah oo dhaca woqooyi bari magaalada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose. AKHRISO

Sida ay AMISOM ku sheegtay bayaan saxafi, weerarkan ayaa dhacay June 8, 2020, waxa ku dhintay 3 haween ah halka 2 kalena ay ku dhaawacmeen, waxana ay AMISOM xustay in ay aad uga xuntahay arrintaaasi nasiib darada ah.

“Dhacdadii maalintii Isniinta 8-da bishan waxa ay ahayd nasiib daro, waan uga tacsiyeynaynaa ehelada marxuumiintaasi, kuwa dhaawaca ahna caafimaad deg deg ah ayaa u rajeynaynaa”, Madaxa AMISOM, Francisco Modera ayaa sidaa yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here