Aqalka sare ee Itoobiya oo farageliyay Xiisada Gobolka Tigreega

0
51

Kulan aan caadi aheyn oo ay Maanta yeesheen Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa waxaa ay ku meel mariyeen in dowladda Itoobiya farageliso Arrimaha Gobolka Tigreega.

Golaha Aqalka Sare ayaa ogolaaday in Dowladda Itoobiya ay maamul Kumeel gaar ah u sameyso Gobolka Tigreega oo ku yaal Waqooyiga dalka Itoobiya, isla markaana maalmahaan uu ka socday dagaal u dhaxeeya Ciidamada Federaalka Itoobiya & Xisbiga haya talada gobolka tigreeda ee TPLF.

Tan ayaa ka dhigan in Itoobiya meesha ka saartay madaxdii dhawaan ay doorteen maamulka gobolkaasi, kaddib gulufka colaadeed ee xukuumadda Abiy Axmed iyo TPLF.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here