(Aqriso) Xaaf oo looga baxay heshiis lala galay asigoona afka furtay

0
158

Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha Galmudug ayaa si aad ah u dhaliilay wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka taasi oo uu sheegay in ay si xoog kula wareegtay Awoodii maamulkiisa.

Waxaa uu sheegay in wixii hadda ka dambeeya aysan marti ka noqon doonin howshooda, sharci ahaana ay xaq u leeyihiin, isla markaana Wasaaradda Arrimaha Gudaha aysan keligood ku noqoneyn howsha oo ay la ogaan doonaan wax walba.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha wixii hadda ka dambeeya Lig Liga ayaan kula heysanaa, waxaa jeclahay, Sharcigana uu dhigaayo, in iyadoo wadajir ah la sameeyo Guddiga Farsamada, maalintii la magacaabayay Guddigan hada jira Sabriye waa soo wacay, wax aa ku iri wax un aan ka wada tashino, in aan marti mar kale noqono ma rabno, caawa marti baa nahay kuligeen haddaa nahay reer Galmudug, Xildhibaanada la xulaya yeysan noqon waxa Xamar laga keeno oo maalintii la rabo loo yeero”ayuu yiri Xaaf oo u muuqday nin mar kale dib u soo ceshanayay awooddiisa.

Xalay Khudbad uu ka jeediyay Munaasabadda xiritaanka shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayuu hadalkaan ka sheegay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here