Askar lagu dilay degmada Walanweyn & dagaal ka socda

0
64

Wararka laga helayo degmada Walanweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in uu halkaasi ka socdo dagaal u dhaxeeya Maleeshiyo Beeleed Gaal jaceyl iyo ciidanka degaanka oo ku sugan degmadaas.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka uu yimid, markii maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen degaanka wanla weyn bar-koontorool oo Ciidamada ku leeyihiin Bartmaha magaalada gaar ahaan xaafada Muuri ee degmada Walanweyn.

Maleeshiyaadka hubeysan ayaa waxaa la sheegay inay dileen afar ka tirsan ciidamada daraawiishta taas oo keentay in uu dagaal salka ku haaya isku qabsiga Barta koontorool oo lacago lagu qaado uu bilaawdo.

Barta-koontorool ee lagu weeraray Ciidamada ka tirsan daraawiishta ayaa dhowr jeer uu dagaal ka dhacay, kadib markii ay weerar ay soo qaadeen maleeshiyaad galjaceylka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here