Baarlamaanka KGS ayaa mudo kordhin 1 sano u sameeyay Lafta gareen

0
24

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa kulan aan caadi aheyn ku yeeshay Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa uu ahaa Cod u qaadista muddo kordhin loogu sameynayo Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

87 Xildhibaan oo Maanta kulanka soo xaadirtay ayaa Cod gacan taag ah muddo kordhin hal sano ah ugu sameeyay Cabdicasiis Xasan Lafta-gareen, waxaana xilheentiisu ay ku egtahay 2024.

Cabdicasiis Xasan Lafta-gareen ayaa mudadii la doortay ama lakiinsaday sida hadalka udhigayaan dayoga Deganada JBM waxaa kasoo wareegtay Muddo dhan 2-sano, waxaana haatan la is waafajiyey Mudda xileedka Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka maamulkaas iyo Madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here