Banaan baxyada looga soo horjeedo dilkii George Floyd oo gaaray Britain (Daawo Sawirada)

0
33

Banaan baxyada looga soo horjeedo dilkii argagaxa lahaa oo sargaal katirsan ciidamada booliiska dalka Mareykanka u geestay nin madow ah ayaa gaaray meelo ka baxsan magaalooyinka dalka Mareykanka.

Kumanaan qof oo ka careesnaa dilkii booliiska Mareykanka u geesteen George Floyd ayaa isugu soo baxay magaalada London ee caasimada dalka Britain iyo magaalooyin kale oo dalkaasi kuyaala .

Dibad baxayaal badan oo ku dhawaaqayay ereyo ay uga soo horjeedaan dilka George Floyd ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee safaarada dowlada Mareykanka ku leedahay magaalada London.

Dadka dhigayay banaan baxa ayaa dalbanayay in cadaalad loo helo dilkii loo geestay George Floyd, waxa ayna fal aan la aqbali karin ku tilmaameen dilka loo geestay ninka Madowga ahaa ee aan hubeesneyn.

Ciidamada booliiska ayaa intii ay socdeen banaan baxyada waxa ay xireen 23-qof , waxaana booliiska la galiyay heegan si ay uga hortagaan rabshado iyo in ay gudaha u galaan banaan baxayaasha safaarada Mareykanka london ku leeyahay.

Banaan baxyada looga soo horjeedo dilkii laga wada naxay ee loo geestay George Floyd ayaa banaan baxyo waa weyn oo rabshado isku badalay ka dhaliyay gudaha Mareykanka, waxaana banaan baxyada falkan looga soo horjeedo gaaray banaanka Mareykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here