Baraawe oo lagu sii daadguraynayo ciidamadii noqon lahaa ergada Xildhibaanada Farmaajo

0
49

Maalmihii la soo dhaafay waxaa Degmada Baraawe oo lagu sii daadguraynayaa ciidamo lagu sheegay in ay ilaalin doonaa doorashada xildhibaaanda lagu soo daaran doono deegaanka Baraawe.

Degmada Barawe ayaa loo qoondeeyay in la geeyo 25 kursi oo lagu soo dooran doono Xildhibaano. Si Xildhibaanada loo soo doorto waxa loo baahan yahay in la helo ergo gaaraysa 2,500 oo qof.

Sida SMC ku heshay xogta, Farmaajo ayaa qorshaynaya in ciidanka la gayn-doono halkaa loo isticmaalo ergo ahaan, kuwaas oo koox koox ahaan ugu codeyn doono Xildhibaanada gacan ku rimiska ee uu rabo in Farmaajo soo saar to.

Qorshahan ayaa si qaraoon loo waday in mudo ah, iyada oo uu farsamadaan uu hogaanka u hayo Fahad Yasin iyo  xulufadda uu ku shaqaysto.

Waxaase la yaab leh in qolooyinka isku sheegaya mucaaradka  ayan wax war ah u haynin qorshooyinka dushooda lagu sameeysanayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here