Beesha Dir oo War kasoo saartay Doorashada Soomaaliya (Maareeye & Feysal Waraabe oo ka wada qeyb galay..)

0
44

Waxaa magaalada Nairobi ka dhacay shir ay ay isugu yimaadeen siyaasiyiin, waxgarad iyo odayaal ka tiran Beesha Dir, iyadoo laga soo saaray war ku saabsan Doorashada Soomaaliya.

Shirka oo ay ka dhex muuqdeen siyaasiyin ay ka mid yihiin Feysal Cali Waraabe, Maxamed Cabdi Maareeye, Ridwaan Xersi iyo xubno kale ayaa laga soo saaray war-saxaafadeed ku baaqay in Doorashada xildhibaannada Dirta waqooyi ay u dhacdo si xalaal ah oo ay u madax bannaan yihiin magacaabiddda guddiyada Doorashada.

Guddoomiyaha Xibsiga UCID Feysal Cali Waraabe ayaa shirka ka sheegay in Dir ay Baarlamaanka Soomaaliya ku leedahay 75 kursi, lana mid yihiin Daarood, Hawiye iyo Digi/Mirifle balse aysan muuqan doorkooda, loona baahan yahay inay awood qeybsiga ka qeyb galaan, arrintaasna xoogga la saaro.

Shirka Dir ee magaalada Nairobi ayaa socda muddo laba maalmood ah, wuxuuna kusoo beegmay iyadoo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi uu shaaciyey inuu isugu soo magacaabayo guddiyada Doorashada xildhibaannada kasoo jeeda Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here