Agaasimaha Hay’adda Nabadsiga Qaranka ayaa isaga oo safar ku maqan waxaa uu amar ku baxshay in shaqo fariisin lagu sameeyo labo mas’uul oo lagu eedeyay in ay booqdeen guriga Madaxweyne Shiikh Shariif. Amar ka soo baxay Fahad Yaasiin ayaa xilka looga qaaday Kornayl Cali Khadar iyo Ibraahim Macalin.
Sida loo xaqiijiyay MOL, xil ka qaadista saraakiishan ayaan wax digniin ah horay loo siinin, horeyna looguma sii sheegin inay dambi tahay in la booqdo ama lala hadlo Madaxdii hore ee dalka.
Cali Khadar ayaa ahaa taliyaha hogaanka arrimaha dibadda ee hay’adda Nabad Sugidda Qaranka halka Ibrahim Macalin uu ahaa Taliyaha sirdoonka Caasimadda Muqdisho.
Talaabada ay qaaday dowlada Fedaraalka ayaa ujeedada laga leeyahay ay tahay in la sii go’doomiyo Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Shiikh iyo Shiikh Sharif.
Saraakiishaan ayaa waxaa xil ka qaadistooda loo cuskaday inay qaraabo la yihiin Shiikh Shariif. Talaabadaan ayaa sidoo kale digniin u noqon doonta dhamaan saraakiisha ay isku beesha ka soo jeedaan Madaxweynyashii hore in ay booqdaan ama ay qadka taleefanka kula hadlaan madaxweynayaashii hore.
Mid ka mida aqoonyahanada ku dhaqan magaalada Muqadishu ahna sharci ayaan, oo ka gaabsaday in aan magaciisa faafino ayaa yiri “ waxa loo socdaa waa in dacwad lagu soo ogo Xasan Shiikh iyo Shiikh Sharif, amarka lagu ceynriyay labada mas’uulna waa fartiin ku socoto saaxiibada labada Madaxweyne, iyada oo shacabka loo tusayo in la kulanka madaxdii hore ay tahay danbi qaran”.