BULSHADA REER MAAYLAND TALIYE MUKHTAAR GEESEEY HA LOO DAAYO BAKOOL JBM

0
368

Kornayl Mukhtaar Geesey Xaaji waa taliyaha Guutada 9-aad Qaybta 60-Maad Ee Ciidamada Xooga Dalka Federaalka Soomaaliyeed ee gobalka Bakool JBM.

Taliye Mukhtaar Geesey Xaaji waa aqoonyahaan haysta shahaada 2-aad ee “Master Degree” waa duuliye sare oo Ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, wuxuu tababaro caalami ah uu ku soo qaatay dalal ay kacmid yihiin, Turkey, Rwanda, iyo dalal Kale oo badan.

Horaantii sanadkan aynu ku jirno ee 2020-ka ayaa loo magacaabay taliyaha Guutada 9-aad Qaybta 60-aad ee ciidamada xoogga dalka Federaalka Soomaaliyeed ee gobalka Bakool Jamhuuriyadda Barakaysan ee Maayland (JBM)

Wuxuu qabtay shaqo aan la qaban hortii, haddii la baddalana, gadaashiisa aan la qaban doonin sida cad.

Kornayl Mukhtar Geesey Xaaji waa sarkaal aad u firinfircoon bulshaawi ah, dadka saa’id u ixtiraama, qofna aanu ku xadgudbin, yaqaana la dhaqanka bulshada qaybaheeda kala duwan.

Siyaasiyiin danaysataal ah, siyaasaddana ka ganacsada, danta, dadka iyo deegaankana aan garanaynin ayaa maalmihii la soo dhaafey waxay taliye Mukhtaar Geesey Xaaji ay la daba taagnaayeen dacaayado raqiis ah oo ay doonayaan in xilka lagaga qaado taliye Mukhtaar Geesey Xaaji taliyaha Guutada 9-aad Qaybta 60-Maad ee Ciidamada Xooga Dalka Federaalka Soomaaliyeed (CXDFS) ee Bobalka Bakool JBM.

Siyaasiyiintaas doonaysa in xilka laga xayuubiyo taliye Kornayl Mukhtaar Geesey Xaaji waxaa ka mid ah sida:- Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur Madoobe (Aadan Fiyaagaro) Ex- Gudoomiyihii hore ee Baarlamaankii 7-aad, ahaana jiray guddoomiye ku-xigeenkii koobaad ururka xaqdurirka RRA JBM iyo Xildhibaanad Sareedo Maxamed Cabdalla (Sareedo Sakhraan)

Labadaas xildhibaan ee aynu kor ku soo xusnay magacyadooda, Waxay Muddo Ka badan 20 Sano Ku fadhiyaan Kuraasta xildhibaannimo, ayagoona Kuraasta Ku matalaynin deegaan doorashadooda, way Jiraan Xildhibaano kale ee kasii liita oo gobalka Bakool JBM Kasoo Jeeda, balse labada xldhibaan ee hadda ku dhaggan taliye Mukhtaar Geesey Xaaji, waa labadaas xildhibaan.

Dhibaatada ka jirta gobalka Bakool JBM hal maalin waligood kama aysan hadlin, waxay xag-xaganayaan Taliye Mukhtaar Geesey Xaaji, oo Shaqadii gobalka Bakool JBM uu ka qabtay aan wali laga qaban, isagoo xilka haya muddo ka yar 3 bilood.

Shacabka ku nool gobalka Bakool JBM, gaar ahaan degmada Xudur JBM 24-kii saac ee Lasoo dhaafay fariimo kul kulul ayay nala soo wadaagayeen oo ay ku cambaaraynayaan arrinkaa fanashashada taliyaha cusub dareenkooda iyo sida ay uga xun yihiin, islamarkaana ay u arkaan baddalaadda Taliye Mukhtaar Geesey Xaaji mid aad u qalad ah.

Odaayaasha dhaqanka, culimaa’uddiinka dhalinyarada iyo hooyooyinka dhamaantood fariimaha ka imaanaayay waxay ahaayeen kuwo muujinaya jacayl ay u qabaan Taliye Mukhtaar Geesey Xaaji iyo Ggdashadiisa waajibaadka Qaran ee loo igmaday.

Shacabku waxay yiraahdeen “waxaan maamulka iyo dowllada dhexe, gaar ahaan wasaaradda gaashaandhigga ugu baaqaynaa in aysan ku degdegin dacaayadaha raqiiska ah ee ay wadaan xildhibaanada caadaqaatayaasha ah ee deegaan iyo Dad midna aan matalin.”

“Waxaan si gaar ah fariin ugu diraynaa Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Federaalka Soomaaliyeed Gen Odawaa Yuusuf Raage oo garanaya Taliye Mukhtaar Geesey Xaaji, Muddana ay Shaqo-wadaag soo ahaayeen ilaa iyo haddana ay shaqo-wadaag yihiin, fadlan in taliye la tixgeliyo fariimaha ka imaanaya bulshada gobalka Bakool JBM,” sidaa waxaa yiri odayaasha dhaqanka Reer Maayland gobolka.

“Labada xildhibaan iyo kuwo kale oo badan shaqadoodana garan Wmwaayay ee Mr Karasaay hoosta kaga jira, waxaan leenahay, Illaahey ka cabsada dadkeena iyo deegaankeenavu tura, intaad shaqo ciidan faraha la geli lahaydeen, xuquuqda gobalka Bakool JBM ka maqan inoo raadiya,” sidaa waxaa mar kale ka dhawaajiyay bulshada nadiifka gobolka Bakool Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland (JBM) inta badana go’doonka ku jirta imika.

Aqoonyahanada gobolku waxay leeyihiin “Bulshada Reer Maayland ee Bakool JBM dhamaanteed inta gudaha Joogta iyo inta dibadda joogtaba waxaan leenahay, dulmi intii aan soo marnay ayaa inagu filan, shucuurteena aan muujino, shacabkeena 10 Sano la go’doomiyay, 10 Sano Kalana loogu dari rabo aan ka dhiidhino dulmiga yaan ehel loo noqonin”.

“Taliye Mukhtaar Geesey waxaan Ku leenahay “Mahadsanid,” haddaanahay Reer Bakool JBM intooda xaqa iyo Baaddilka kala garanaysa, garabkaaga ayaan taaganahay,” sidaana waxaa ku biiriyay ururada haweenka gobolka, waxaana ay sii raacsadeen “Adeerkeen Xildhibaan Aadan Madoobe Fiyaagaro, iyo eeddadeen xildhibaanad Sareedo Maxamed Cabdalla Sakhraan, Ceeb Looma Dhintee Iska Noolaada, Talada Maalinbay Gacantiina Ka Bixi Doontaaye, Karasaay Ka Tuugsada, Kuraasta Ha idinku Soo Celshee Amar Alle Laakiin.”

SMC Bakool JBM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here