Burburka Ethiopia oo bilaambay & MW Farmaajo oo cidla ciirsi heeso

0
44

Raisal Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed markii uu qaatay goaan qar iska tuur ah kaasoo uu sababtiisa lahaay in ay bilaawato dagaal qowmiyadeed & xukun iska riix dhaxal siin doonto Ethiopia ineey burbur ku danbeeyso.

Dowladaha Masar & Sudan ayaa sanka usaaran ineey ku biiran dagaalka u dhaxeeyo Maamulka Tigreeyda & Dowlada Ethiopia oo tageero ciidan ka heleysaa Maamulka Amxaarada & Dowlada Eritrea .

Sida ay xeeldheerayal ka faalooda arrimaha geeska africa ay sheegaan in Dowlada Ethiopia ay caqabad wayn ku aheyd dib u yagleelida dowlad ay dhistaan dadka  Soomaaliyeed wixii kadanbeeyay burburkii dowladii kacaanka 1990 .

Doorka Ethiopia ee Soomaaliya ayaa lagu xasuustaa Maamulada ka hana qaaday gayiga soomaaliyeed ineey ahayeen kuwa ku tiirsan xukuumada Adis Ababa balse arrinta waxeey is badashay markii Ay Ethiopian ku guuleesteen in talada dalka ku fadhiisiyeen Madaxweyne Farmaajo oo ay shuraako ku yihiin Dowlado dhowr oo ay ugu horeeyso Dowlada Qatar.

MW Farmaajo ayaa jaray dhamaan xiriirka uu lalahaa qeybaha kala duwan bulshada wuxuuna rumeestay in awooda dowladaha Qatar & Ethiopia ay usaamixi karto in waligiis xukunka heesan doono  maadama shalay doorashadiisa ay kaalin aad u wayn ku lahayeen waloow ay dadka soomaaliyeed aysan arrintaasi waxba kala socon doorashadii dhacday 2016 / 2017 balse baraaruga uu yimid markii uu talada dalka gacanta ku dhigay MW Farmaajo kaaso lasoo baxay Siyaasado fajicisa ah.

MW Farmaajo ayaa hada umuuqda mid uhanqal taagaayo  in uu adeegsado awooda CQS & Hantida Qaranka si uu xaqiijiyo inuu sameesto doorasho ku shubasha ah waxaana marqaati cad u ah dhismaha gudiga doorashooyinka Qaranka  oo taariikhda markii u horeeysay lagu soo daray 12 sarkaal oo katirsan Sirdoonka Soomaaliya. arrintaas ayaa kusoo aadeeysay markii awooda Ethiopia ee soomaaliya ay naxuustay isla markaasna mashaakil wayn oo laga baaran dagin uu ku furan yahay.

MW Farmaajo ayaa ku socda talada Hoggaamiyaha Eritrea taaso aan soomaaliya dowlad dhiskeeda wanaag badan kusoo kordhin karin , sida lawada ogyahay xalada Ethiopia waxaa saldhig u ah faragalinta Eritrea ku sameeysay dhismaha Dowladaas iyado siisay Hoggaamiyaha qibrada yar ee Abiy Ahmed Tallo qar iska tuur ah taaso laga dhaadhacsiiyay caqabada xukunkiisa ineey tahay Tigreey sidaasi darteedna uu burburiyo .

Haddaba MW Farmaajo ayaa lafilayaa in uu ku adkeesto Gudiga Doorashooyinka ay maamulayaan Sirdoonka Soomaaliya oo  aan waxba laga badalin taaso ugu danbeeyn kalifi doonta gacan ka hadal laga baaqsan karo maanta .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here