C/karim Guled iyo Fahad Yasin oo ku kulmay dalka dibadiisa, maxay ka wadahadleen?

0
65

Reading Time: < 1 minute

Cabdikarin Guleed oo gacan saar hoose la leh Fahad Yasin, laguna xanto  in uu  shirko la yahay Fahad Yasin iyo Farmaajo ayaa kulan qarsoodi ah ku yeeshay dalka dibadiisa. Kulanka oo qarsoodi ahaa ayaa labada nin horay ugu ku balameen, waxa ayna magalaada Muqadishu ka baxeen maalmo kooban ka dib.

Fahad Yasin ayaa Baadigoob ugu jiro qaabkii uu ugu sii jiri lahaa siyaasadda iyo sidii  uu Farmaajo loogu siin hayn-lahaa kurisga Madaxtooyadda.  Dhanka kale, Cabdikarin Guleed ayaa kulamo uu la yeeshay beesha Mariixaan ugu sheegay in   la sida wadajida loo sameeyo waxa uu ku tilmaamay “Isbahaysiga Beesh Sacad iyo beesha Mariixaan”.

smc wali ma helin war sugan oo buuxa oo ku saabsan, cida ku wehlisa, kulankaas qarsoodiga ahaa, iyo guud ahaan waxa lagu heshiiyay. Sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan Fahad Yasin ayaa u muuqda in uu ku guuleystay  markale in uu kala jabiyo midowga musharaxiinta isaga oo gacanta ku dhigay Dahir Geele iyo Cabdikarin Guleed oo uu dhaqaalaooda bixiyo, halka uu wadahadal joogta ah kula jiro Sharif Xasan iyo Xasn Cali Kheyre.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here