Cabasho ka soo yeertay Deegaanka Dawanle ee Hoostagta Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha hoose waa maxay Cabashadaas?

0
96

Tan iyo intii ey curteen roobabka deyrta aya waxaa ka da,ay degmada wanlaweyn ee gobolka shabeelaha hoose iyo tuulooyin hoos yimaada roobab ey kudiirsadeen dad iyo duunyo.
Roobabka ayaa gooyay isku socodka tuulooyinka ayado dadka eey kasoo yeereen cabasho ku aadan roobabkii ku da,ay tuulooyinka hoosyimadaada degmada wanlaweyn.

Tuulada Dawanle oo qiyaastii 7km ujirta degmada wanlaweyn ayaa kamid tuulooyinka eey dadkooda cabashada usoo diradeen maamulka iyo xilibanada kaso jeeda degmada

Roobabka ayaa jaray wadooyinka sidokale waxa uu gooyay ama dumiyay godadkii ey dadku ugu jireen masagada dadka tuulada Dawanle ayaa intaas kudaray in roobabka ey dumiyeen aqaladii oo xiligaan ey tuulada dawanle ey kajirto xaalad qatar ah waxa eyna ugu baaqeen in eey helaan gurmad sidii loo samata bixinlahaa dadka kunool tuuladaas

Sikastaba ha ahaatee majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo kan KGS walow aan horeyba looga baran ineey wax kaqabtaan xaaladahan okale mana jirto hey,ada gurmad ah oo gaaray xiligaan deegaanadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here