Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa xilka ka qaaday gudoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta ugu waqtiga dheeraa maamulka Bakool.
Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa gudoomiyaha Gobalka Bakool u Magacaabay Shiina Macalin Nuurow , waxaana uu sidoo kale Magacaabay ku xigeenadiisa.
Wareegtada Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa lagu sheegay in ay timid ka dib markii ay soo jeedino kala duwan uga yimaadeen Wasaarada Arrimaha gudaha iyo xildhibaanada degaanka kasoo jeeda.
Waxaa uu sidoo kale Magacaabay gudoomiye ku xigeenada gobolka Bakool.