Cabdicasiis Xassan Moxamed Lafta-gareen ayaa Magacaabay Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleedka Koonfur soomaaliya.
Xubnaha Guddiga oo ka kooban 8-da xubnood ayaa waxaa ku jira Saddex Haween ah, xilli dhowr jeer Haweenka Soomaaliyeed ay ka cawdeen inaan door laga siin Guddiyada doorashooyinka & xalinta khilaafaadka.
Guddigaan ayaa waxaa lagu biirin doonaa Saddex Xubnood oo ka imaanaya dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ku cad heshiiskii doorashada ay gaareen Madaxweyne farmaajo, Madaxda Dowlad Goboleedyada & gobolka Banaadir si ay uga wada Shaqeeyaan doorashooyinka Xubnaha labada Aqal ee ka imaanaya dhinaca Maamulka Koonfur soomaaliya.
