CC Warsame oo ka falceliyay Taalooyinkii dib loo dayac tiray, fariina u diray Farmaajo

0
90

lceliyay dhismaha iyo dayactirka dowladdu ku sameysay taalooyinka halgamayaashii dalka soo maray, kuwaas oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in halgamayaashii Soomaaliyeed ee soo maray dalkaan ay ka badbaadiyeen khatar, balse uu qaadan la’yahay in halgamayaashii noolaa ay dowladdu gacan galiso kuwii horana maamuusto.

Waxa uu tusaale u soo qaatay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in la dhiso taaladii halgame Sayid Maxamed, Itoobiyana loo gacan galiyo halgame Cabdikariim Qalbi-Dhagax, isagoo Madaxweyne Farmaajo ka dalbaday in uu garowsado oo shacabka ka hor qiro in uu ku tagri falay halgame Qalbi-Dhagax.

“Halgamayaasha waxaa lagu xusuutaa halganka ay u galeen xaqiijinta himilo ummadeed ama halista ay ka badbaadiyeen qaranka. Waxaa isku kay qaban waayey taaladii halgame dhintay (Sayid Maxamad) ayaan taagayaa, halgame noolna (Qalbi-dhagax) waan gacan gelinayaa”ayuu ku yiri hoggaamiye Cabdiraxmaan qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Qormada oo intaas ka dheereed ayuu Farmaajo u soo jeediyay in dhiibistii Qalbi-Dhagax ay gabood fal ku aheyd halganka uu taalooyinkiisa dib u taagay, “Shacabka Soomaaliyeed waxay madaxweynaha rumaysan lahaayeen, raad xusuusna ku reebi lahayd, haddii uu hortooda ka qiro in dhiibistii Qalbi-dhagax ay ahayd gaboodfal laga galay halganka iyo halgamayaasha uu maanta taalooyinkooda taagay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here