Ciidamada Danab oo dilay labo sargaal oo katirsan Al Shabaab iyo Magacyadooda oo lasoo..

0
125

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaan Danab ayaa howlgal qorsheesan ay ka fuliyeen deegaanka Ugunji ee kuyaala duleedka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ku dileen saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Taliyaha guutada 16-aad kumaandooska ee danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo la hadlay Warbaahinta dowlada ayaa sheegay in howgalka Ugunji ka fuliyeen ciidamada Danab lagu dilay labo sargaal iyo sadex dagaalyahan oo Al Shabaab katirsan.

Taliska Ciidamada Danab ayaa sheegay in labada sargaal ee howlgalka lagu dilay ay kala ahaayeen Nin lagu magacaabo Cabdulaahi Dhagool oo Al Shabaab u qaabilsanaa Zakawaadka iyo Sheekh Maxamed oo qaadi ka ahaa Maxkamada Al Shabaab ee Ugunji.

Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Danab ay xabsiyo kasii daayeen dad uu sheegay in Al Shabaab xabsiyo ku hayeen, waxa uuna shacabka ugu baaqay in aysan maxkamad u tagin goobaha Al Shabaab.

Ciidamada Danab ee kumaandooska Soomaaliya ayaa marar badan howlgalo qorsheesan ka fuliyay deegaano ee Al Shabaab maamulaan, howlagalada Danab ayaana ah kuwa inta badan gaadmo ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here