Ciidamo ka badan 500 oo berri subax loo wado Beled Xaawo Jubbaland oo soo dirtay Gurmad xoog leh

0
59

Sida ay saraakiil ka tirsan CXDS u sheegeen smcnewss waxaa MW Farmaajo uu amar ku bixiyay in ciidan hor leh la geeyo gobolka Gedo gaar ahaan xuduudda Kenya iyo Soomaaliya.

Ciidamada ayaa lagu wado in berrito subax laga qaadi doono garoonka diyaarada Adan Cadde waxaana ciidankan ay ka mid noqonayaan ciidamo ay horay u geysay DF gobolka Gedo.

Waxaa maanta ka dhacay dagaal ba’an magaalada Beled Xaawo halkaaso ciidamada Jubbaland oo horay u qabsaday magaalada laga saaray dibna loogu celiyay farriisimahoodii hore.

Maamulka Jubbaland ayaa u soo diray ciidan ka badan 3500 ciidamadii maanta lagu jebiyay magaalada Beled Xaawo iyagoo galabta 5 galabnimo ka soo dhaqaaqay magaalada Dhoobley sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada Jubbaland.

Dagaalka aya lagu wadaa in uu sii xoogeystay maalmaha soo socdo waxaana gebi ahaanba la jaray isgaarsiinta magaalooyinka Beled Xaawo, Mandheera, Doolow iyo Garbahaarey.

Wixii soo kordha dib ayaan idinkala socodsiin doonaa saacadaha soo socda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here