CIIDAN 300 KU DHOW OO TABABAR CUSUB LOOGU FURAY DEEGAANKA NO:50 JBM LAAKIIN!!

0
321

Taliyaha ciidamada Lugta Janaraal C/Xamiid Maxamed Dirir iyo saraakiil kale oo ka tirsan kuwa dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa tababar ciidan u furay ku dhowaad 3 boqol dhalinyaro oo ka mid ah dhalinyaro si isxilqaan ah ku difaacanayay deegaanadaasi JBM. Dhalinyaradaani oo ah kuwo muddo 6 sanadood ah si isxilqaan ah Shabaab kula dagaalamayay deegaanadaasi ayaa waxaa haatan dawladda Soomaaliya ay sheegtay in la qaramayn doono, waxaana tababar ciidan loogu furay gudaha garoonka Lambar50 gobolka Shabeellaha-Hoose JBM JBM, daah-furka tababarka dhalinyaradaani ayaa waxaa sido kale ka qayb galay maamulka iyo saraakiisha ciidamada ee ku sugan Lambar50 JBM. Tababarkaani oo socon doona muddo kooban ayaa waxaa saraakiisha dowlladda federaalka Soomaaliya ay sheegeen in ay qayb ka noqon doonaan ciidamada Xoogga Dalka ee haatan difaacaya Lambar50 iyo deegaanada ku teedsan gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland (JBM) oo dhibtaatadu si gaara ugu dabadheeraatay 30-kii sanadoodo u dambeeyay amar Alle laakiin!!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here