Ciidanka Danab Oo Howlgalo Dad Lagu Soo Qabtay Ka Fuliyay Gobolka Bay

0
52

ciidamada kumaandoosta xooga dalka ee danab ayaa waxa lagu soo waramayaan in howlgalo qorsheysan ay ka fuliyeen deegaan  ka tirsan gobolka bay

ciidanka kumaandoosta soomaaliya ayaa howlgaladaan waxa lasheegay in ay sigaar ah uga fuliyeen deegaanka buurheybe oo duleedka ka ah degmada buurhakaba ee gobolka baay

saraakiisha ciidanka dowladda ee howlgaladaan hogaaminayay ayaa waxa ay sheegeen in ciidanku ay howlgaladaan ku bur buriyeen fariisimo dagaalamayaasha al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka buur haybe

waxaana la sheegay in intaasi kadib ciidanka kumaandoosta xooga dalka ay baaritoono ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka bay ,deegaanadaasi oo ay ka mid yhiin , jiiro koolow, dur duroow, saax weyn iyo kuwa kale iyadoona lasheegay in baaritaanadaan ay ahaayeen kuwa lagu xaqiijinayay amaanka deegaanka buur haybe iyo deegaanada kale ee hoosyimaada gobolka bay

sidookale howlgalkaan ay sameeyeen ciidanka dowlada gaar ciidanka  kumaan doosta xooga dalka ayaa waxa lagu sheegay in lagu soo qabtay rag ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab mootooyin  iyo agab ciidan

ciidamada kumaandoosta dalka ayaa sheegay in ay sii aadi doonan howlgalada iyo dagaalka ka dhan ka ah dagaalamayaasha al-shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here