Ciidanka dowladda oo Shacab ku dilay Muqdisho iyo Banaanbax ka dhashay

0
37

Dadweyne kasoo horjeedda Askari ka tirsan Ciidanka dowladda oo dad Shacab ah ku dilay Muqdisho ka dib markii Bandowga Muqdisho uu bilaabay ayaa banaanbax ka bilaabay qaar ka mid ah Isgoysyadda muqdisho.

Dilka ayaa loo geystay  wiil dhalinyarada ah iyo dhaawaca qofka kale  isgoyska Jubba Muqdisho.

Dadweyne Careysan ayaa  taayaro ku gubay inta dhaxeysa Isgoyska Jubba iyo dugsiga Bartamaha ka dib markii ay sheegeen in Askariga uu si bareer ah u dilay Dadka Shacabka.

Ciidanka Booliska ayaa hada la tacaalaya joojinta Banaanbaxa, waxaana ay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen Askarigii dilka geystay oo ku sugna barta koontaroolka ee Ciidamada Booliska ku hubiyaan gaadiidka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here