Ciidanka Koonfur Galbeed oo khasaare lagu gaarsiiyey weerar culus oo Gaadmo Ah lagu qaaday

0
59

 Faah faahinno dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan weerar Al-Shabaab ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Koonfur Galbeed, xilli ay ku socdaalayeen duleedka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Weerarka oo ahaa mid dhaba gal ah ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay waxyeelo kala duwan ka soo gaartay ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta maamulkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in dagaalyahanada weerarka fuliyey ay goobta isaga baxsadeen falka kadib.

Al-Shabaab oo war ka soo saartay weerarkaan ayaa sheegatay inay ku dishay ugu yaraan hal askari, sidoo kalena ay ku dhaawacday saddex kale.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka ciidamada Koonfur Galbeed oo ku aadan weerarkaas oo ay guullo ka sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Inta badan ciidamada huwanta ee ku sugan Baay iyo Bakool ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah kala kulma dagaalyahanada Al-Shabaab oo ku xoogan gobolladaasi.

Weerarada Al-Shabaab oo inta badan ah kuwo gaadma ah ayaa waxaa khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaraa ciidamada isaga kala goosha gobollada dhaca K/Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here