DAAAWO SHABEELLAHA-HOOSE JBM GOBOL LAGA QUUSAN WAAYAY

0
351

Gobolka Shabeellaha-Hoose JBM waa siddeed (8) degmo, waana lawada yaqaana beelaha daggan gobolka inta badan, waxaa daggan beesha Digil iyo Biyomaal xooga yar oo Hawiye ku abtirsada sida:-Wacdaan, Wadalaan, Muransade oo intooda badan ay daggan yihiin tuulooyin hoostaga dagmada Afgooye gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland (JBM).

Cali-Maykal waa qof caan ka ah degmada Afgooye JBM, wuxuuna ka mid ahaa mooryaantii ku soo duushay gobolkan 199, waa qof ugu yaraan 200 ruux Maayland u dhashay Shabeellaha-Hoose JBM dhulka hoos mariyay kana dambayay kolkii sida, waa ninkii sida bareerka ah u dilay Marxuum Xasan Mayow wariyihii Radio Shabelle.
Kadib qabsashadii Xisbul-Islaam Afgooye JBM oo u badnaa beshiisa, waxaa uu u wareegay muqdisho, waxa uuna ka soo jeeda gobollada dhexe maanta loo yaqaan Galmudug State.

Gobolka siddeediisa degmo iyo tuulooyinka hoostagaba wax deegaan ah kuma lahan beesha Galmudug, sidaa ay tahayna, waxaa naloo sheegaa in ay Somali tahay federaal kamana muuqato oo waxaa socda “waxayga anaa leh waxaagana kula lihi,,

Sidee buu ku noqon karaa taliyaha qaybta gobolka qof hal degmo aanu ka dagan deegaan tuulo, makacdo midna aan ku lahayn Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland (JBM)
Qofkii soo magacaabayna waa su’aal darane muxuu ku tixgeliyay nin mooryaan ahaa walina isbaaradiisu taal deegaanka?

Maayland waxaa loo dhibaataynayaa adiguun dheef ku soo bari amar Alle laakiin!!

By:Adam Increase

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here