Daawo Dulmanaha aan hadlin !!

0
15

Dulmanaha dantiisa garan ! Xisbiyadii ka jirey Koonfurta Soomaaliya xurnimadii ka hor iyo habkii doorasho ay ku taamaayeen si dimuqraadi ah la isu doorto ayey waxay aheyd u codee ciddii aad rabto laakiin codbixin (vote for whoever you want but vote )sida maanta ay tahay iyo cadaalada darada muga weyn ee ka jirta siyaasada Soomaalida oo ah jalaafo aan dhamaad lahayn. Waxay ahayd 1956 markii ay soo jeediyeen fedraalisim xisbayadii kala ahaa Hizbia iyo Groppo Afgoi Audegle, qowmiyada Digil iyo Mirifle iyo qabaal`ilo kale ay wada degaan degaan weyna Koonfurta Soomaaliya ilaa xuduudaha Kenya iyo Itoobiya. Sooyaalka taariikhda siyaasada ee maanta Soomaaliya wey ku dulman yihiin dhan walba waana sababta ay u tabanayaan cadaalad daro soo jireen ah iyo iyagoo ah kuwo si fudud loo kala furfurey. Hadaba dulmane goormaad kusoo baraarugaysaa inaad iska qaado dulmiga gaamurey waa in la helaa midnimo dhexdiina ah hadii kale waa xikmadii aheyd shini dagaalsan malabkeeda dayacan.qoraalo taxane ah ayaanu kusoo qaadan dooaa maqaalka Dulmanaha dantiisa garan dhibanayaasha aan dhibkooda ka hadal ka aridan mustuwaha siyaasada ka jirta waqti aanu joogno takoorida luqada hodanka ah (SomaliMay ) dhulka hodanka ah oo Rabi ku maneystey ku ah qaxooti gudaha dalka (Domestic Refugees) waxaa haboon naad garneyso Diiniyan iyo maadiyan waxa aad xaq u leedahay inaad ka dhiidhiso gunimo gumeysi ayaa ka roon tasho mise waa laguu talin.

Bal wax ka ogow 10 xisbi ee waagaa jirey yo sidey isu raacsanaayeen maadaama dhalinyaradii xornmo u dirika aheyd badankoodii ay ku midoobeen ( Somali youth liberation SYL) Giovani Bagiuni (baguni Youth) Groppa Afgoi Audegle Hizba Digil e Mirifle Unione Giovai´ni Benadir (B Youth Union) Le dei Giovani Samali (SYL) Sei Scidle(Shiidle) Partito Democratico Alula Partito Democratico Somalo Unione Giovani Somali Huaia (Hawiye) Unione Marehan (Merahan Union) Qalinkii:Ukash Sugow ukash37@gmail.comWED 6:10 PMSIYAASIGA FASHILAN !! Madaxweyne Farmaajo markii la doortey 8 Febaraayo 2017 aad loo ayaa soo dhoweeyey, iyadoo la rajeynaayey inuu yahay Madaxweyne u adeegaaya danyarta iyo kuwa dulman sida uu ka dhawaajiyey intaan la dooran ka hor xuquuqda muwaadanka iyo waajibaad badan oo dastuuri ah gudanaaya, dowladaha deriska ahna uga digaaya iney farogelin ku sameeyaan arimaha Wadankeena ee Soomaaliya. Wuxuuna ku dhaartey in uu noqdo muwaadin ka shaqeeya masaalixda Umada Soomaaliyeed,sidaa awgeed siduu uu noqon lahaa Madaxweyne xalaal ah oo mudnaanta koobaad siiya dalkiisa iyo dadkiisa waxaa muuqata inuu ka leexdey ballan qaadkiisii intaan la dooran ka hor.

Dalalka deriska:Kenya waxaad ogtihiin iney jirto dacwadii kiiska badda ee naga dhaxeyso hadana waxaanu ka war sugnaaba waa go,aanka Maxkamada ay ka gaarto (International Law Court). Arimaha farogelinta ee Kenya waa mid aan mar naba raali ka ahayn dhaqan ahaan qabka ku jira qofka Soomaaliga ah iyo wadaniyada jadbeysan ee ay ka qaateen. Itoobiya waa cadow soo jireen ah ee arimaha siyaasada iyo difaaca burburkii dalka Soomaaliya kaalin weyn kaga jirtey maantana uu doonaaya Madaxweyne Farmaajo inuu amni u doonto iyaga, taasoo ku hareereysan siyaasad qalifsan iyo mustaqbal mugdi ah inuu u sababo Soomaalida. Cadaalada:Hadaba maxaa la gudboon Soomaalida iney dib isugu laabtaan oo heshiis guud yeeshaan dhibaatadii lasoo marey ay wax ku qaataan bog cusub oo lagu badbaadiyo jiilka cusub u reebaan manhaj ee ku qoran Cadaalad yo Sinaan. Waxaana lagama –maarmaan ah iney meel uga soo wada jeestaan cadowga dibada iyo kan gudaha, Hogaanka wadankana ay runta u sheegaan. Siyaasada:waxa diidan horumarka siyaasada waa qabyaalada iyo nin jecleysiga taana waxa keliya looga gudbi karaa dhisida xisbiyada, taasoo muwaadin kasta uu ku doortaa mabaadii,ida uu isaga ay la tahay suuro galnimada hankiisa oo xalaal ah ka fayow wax isdaba marin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here