DAAWO GENERAL ODAWAA OO CIIDAMO SOO GADOODAY DARTII MAANTA U GAARAY BUUFOOW CACAADKA JBM

0
361

Kadib markii gacanta lagu dhigay deegaanka Baydhabo Two (Ex-Jannaale) JBM oo ay qabteen Ciidamo kumaandooska Danab ah, ayaa waxaa ku qul-qulay deegaankaasi ciidamo kale oo kala taabacsan saraakiil kala duwan oo aad u tiro badan.

Ciidamo fara badan oo gadood ah ayaa shalay isaga soo baxay deegaanka Baydhabo Two gobolka Shabeellaha-Hoose JBM, ciidamadaan oo ka gadooday is baddalo siyaasadeysan oo lagu sameeyay Saraakiishii hoggaaminaysay Kumaandooska Danab iyo milatariga kale ee ku sugan deegaankaasi, ayaa haatan soo kala gaaray Buufow Bacaad iyo Magaalada Marka xurunta gobolka Shabeellaha-HooseJBM. Saddex maalin ka hor markii uu deegaankaasi ka soo ambabaxay taliye C/Xamiid Maxamed Dirir ayaa waxaa isbaddal siyaasadeysan lagu sameeyay hoggaanada ciidamada milalariga ee ku sugan deegaankaasi, waxaana lagu soo waramayaa in isbaddalkaasi uu salka ku hayay afaara-qabiil.

Ciidamo farabadan oo maanta soo gaaray deegaanka Buufow-Bacaad JBM ayaa sheegay in sababta ay uga soo baxeyn Baydhabo Two ay tahay gadood ay ka gadoodsan yihiin hoggaankii ciidamada Baydhabo Two (Ex-Jannaale) JBM oo lagu wareejiyay shaqsiyaad dano qabiil xambaarsan.

Taliye Odawaa Yuusuf Raage oo maanta sababahaasi daraasdood u gaaray deegaanka Buufow JBM ayaa caawa ku hoyanaya deegaanka Baydhabo Two, waxaana laga baqdin qabaa in guud ahaan ciidamada dowladda ay soo faarujiyaan magaalada Baydhabo Two (Ex-Jannaale) gobolka Shabeellaha-Hoose Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland (JBM)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here