DAAWO KORNAYL MAXAMED ROOBLE IYO XILDHIBAAN XASAN MAXAMED IDIRIIS OO SOO GAARAY DALKA SWITZERLAND

0
103

Dalka Konfederaalka Switzerland waxaa daqiiqado kahor soo gaaray wafdi culus masuuliyin caan ah ay hoggaaminayaan sida Kornayl Maxamed Shiikh Rooble oo ka mid ahaan jiray saraakiishii ururwaynaha xaqudirirka Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan RRA iyo xildhibaan Xasan Maxamed Idiriis oo ka mid ahaa xildhibaanadii dowlladdii kumeel-gaarka federaalka Soomaaliya xiligii Shiikh Shariif Shiikh Axmed, masuuliyintan JBM u dhashay oo indhawaallaba socdaalo dhaadheer ku marayay waddamada qaaradda Yurub, hawlo ku qotoma arrimaha siyaasadda danta guudna faraha kula jiray.
Wafdigan miisaanka leh qiimiga iyo qaayaha badan sumcad wayna ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabwaynaha Jamhuuriyadda Barakayan Ee Maayland taransigoodu taariikhda dahabiga galay aawgii, waxaa goortii ay soo cagadhigteen dalka Switzerland geesta kalana si wayn u soo dhoweeyay muwaaddiniinta u dhalatay JBM, qaasatan bahda warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya ee uu hoggaaminayo madaxa guud ee saxaafadda Dr Cabdullaahi Ibraahin Xasan Amaandhoorey iyo tiimkiisa, kuwaaso wafdiga u sii gelbiyay qasriga martidada soodhwaynta loogu talagalay.


Salaan iyo Ismarxabbayn dabadeed waxaan la sheegin gaws u raaxayn, waxaa masuuliyinta Studio-yaha 2-aad ee Southern Media qaaradda Yurub wareysi kala yeelatay xaaladda guud ee dalku ku sugan yahay sida doorashooyinka soo socda 2020 iyo doorka muhiimka ah ay ka cayaari karayaan dadyowga dulman Maayland u dashay 55 boqolkiiba tiro bulshada Soomaalida inteeda kale ka dhigan leh oo dega dhulka ugu burwaaqada badan waddanka laga soo bilaabo siiriga Itoobiya iyo Kiiniya illaa masaajidka Arbaca-Rukun dacalkaa badda degmada Xamarweyne.


Kornayl Maxamed Shiikh Rooble oo lugtiisu u dhaawacan tahay aawada halgankii dalka Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland dagaalladii RRA wax ka hoggaaminayay ay kula jirtay huwantii Salballaartii soo xadgudubtay iyo Xildhibaan Xasan Maxamed Idiriis oo isna si kale haddaynu u dhigno ahaa xog-hayihii madaxwaynihii hore Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland Dr Xasan Maxamed Nuur Shaatiguduud, waxaa wareysiyadooda masuuliyinta qaayaha leh muuqaallada aad ka daawan doontaan barnaamijyadeena xiga dhamaan bogagga warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya afka qalaad loo yaqaan Southern Media Co-Operation oo had iyo jeer u taagan xaqsoornimo u hadalka iyo wararka sugan xaqiiqada wadhcigan jira oon sinaba looga gamban, tahayna codka codlaawayaasha xaqiran.Yaasiinkuna waa uu kugu celshaa macalin yoolgaar ah amar Alle laakiin!!
By.Adam Increase

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here