Daawo Kulan eey iskugu imaadeen Dhalinyarada Beesha Jiido Kan hadleen aayahood.

0
388

Kulan eey iskugu imaadeen dhalinyarada beesha jiido kulankaas ayaa ujeedkiisu ahaa Isbarasho iyo is dhexgal  dhalinyarada kasoo jeeda Gobolka shabeladda Hoose gaar ahaan Sablaale ,qoryooley ,kuntuwareey Dhalinyaradaasi oo qaar kamid ka qalin jibisay jamacaddaha kuyaalo muqdisho qaarna   wax barashadoodi usocda  ,sido oo kale kulanka ayaa waxaa kasoo qeybgalay Culima,udiinka looma beesha Jiido

Ugu horeen kulanka ayaa waxaa la isku afgartay in laga Shaqeeyo Danta guud, in la,iska war qabo guud ahaan seddexda Degmado beesha kasoo jeedo ee jiido.
in laga Shaqeyo Sida la,isku garab istaagi lahaa Haddii eey Noqon laheyd
1-qof jiran in Isbitaalka luga Boqdo loona muujiyo walaalnimo
2-  qof Daruuf Heyso Dhinaca wax barashada in Garab lasiiyo
3-in laga shaqeyo Si saboolnimada looga Baxi lahaa wacyigilin Balaarana loogu sameynlaha ,siminaaro loogu qabanlahaa Beesha ,odayaasha.
4- iyo midnimada beesha in laga shaqeeyo.



Waxaan si fiican looga lafo guray muhiimada ay leedahay in laga shaqeeyo mideynta awooda dhalinyarada ee baahsan si ay horseed uga noqdaan horumarinta Dadka Degaanka ee Gobolka shabeladda hoose  gaar ahaan Degaanada Sablaale,qoryooley,kuntuwareey.

Waxaa halkaas lagu maga caabay Gudi ka shaqeeya isku keenoda Beesha Jiido.
1-Xuseen Cumar Xuseen Gudomiyaha guddiga
2- Aadan sayid Ali ismaaciil Gudoomiyaha ku xigeenka
3- Xaliimo  cumar ibraahim Xoghaye


Xubnaha

1-Siid Cali cabdi shekh
2-Nuue ibraahim Aadan Caaqil
3-maxamed cabdulah
4-xasan Xaaji Aadan

Ugu dambeyn dhalinyarada beesha ayaa isku raacay kuna balan qaaday iney ka shaqeynayaan hirgelinta dhammaan qodobada kasoo baxay si daacadnimo, masuuliyadnimo iyo Alle ka cabsi ku dhehantahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here