DAAWO MARWO BAHJA BADBAADISO OO SMC SWEDEN KULA KULANTAY

0
84


Intii socdaallada shaqo dhaadheer ay ku jirtay warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya afka qalaadna loo yaqaan Southern media Co-Operation, waxaa magaalada Malmo ee dalka Sweden galbeedka Yurub ay kula kulantay aqoonyahanadda kartida iyo dhiigga badan caanka ah geeska Afrika, gaar ahaan u dhalatay Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland, taasoo lagu magacaabo magac miskiin lagama aha naalna Mowllaa loo qabaaye Marwo Bahja Cali Cabdi kuna magac dheer koofaar ahaan (Bahja Bad-Baadiso) oo sida runta ah kartida iyo dadnimada damiirta hiilka walaal qaranimada ay leedahay kolka laga yimaado, u taagan u gargaaridda iyo daafaca xuquuqda dadyowga malaayinta Maayland-ta dulman lagula soo duulay magaca dowlladnimada calanka buluugga Soomaaliya lagu dhibaataynayo qudhoodu in ka badan 60-ka sanadood.


Mrs Bahja Bad-Baadiso oo aad loogu xusuusto wacdarihii sanad kahor ay ka dhigtay shirkii horumarinta luuqadaha afkeena Soomaaliga Maayga iyo Maxaga Boras Sweden lagu qabtay kala daabullidda iyo kala dajinta martida iyo abaabulka aan caadiga ahayn iyo sido kale u istaagiddii ay faclan ugu sarakacday dadkeedi fatahaaddu ku dhifatay sida degmooyinka dalka Maayland Berdaale, Buurhakaba iyo Baydhabo JBM, ayaa bartanka magaalada Malmo ku soo hor istaagtay Maykaroofanka Studio-yaha wareega ee Southern Media Co-Operation.


Gabadhani gaariyadda ah Marwo Bad-Baadiso waxaa ay saxaafadda uga warantay xasuuqii 13.Decenber.2018-ka ka dhacay magaalada Baydhabo gobolka Baay JBM iyo shirqoolkii lagu soo afduubtay madaxwayne Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, dhacdooyinkaaso ah kuwo uur-ku-taalla gardarooyinka cacad gambooyinka tuurtay garbasaarkana ku darsatay oo ay bahalkaynayaan makriyada waawayn laayaanka ah ma’amaraduhu kaligiitaliska Maxamed C/LLaahi Farmaajo iyo Tiimkiisi Murugo iyo Macaluul oo awoodda qaranka federaalka Soomaaliya aad ugu tagrifalaya qabyaalad qaawana la soo shirtagay, taasoo marnaba bulshawaynta Maayland tiro ka dhigan 65% Soomaalida inteeda kale marnaba aanay ka samri doonin helitaankooda madaxbanaanida siyaasadeed iyo dalkooda inay ayaka gacantoodu ku maamushaan ee aqalkooda gudihii ruuxa u maamulaya aan loo soo meerin.


Ugudambayntii Marwo Bahja Cali Cabdi (Bahja Badbaadiso) waxaa ay cod dheer fariin ugu soo dirtay qalabka warbaahiyuhu bulshadeedu inay isku duubnaadaan ayna sinaba uga tanaasulin xaqooda, islamarkaana inta hal qof uu JBM u dhashay ka noolyahay xadgudubkii loo gaystay shacabwaynaha Maayland iyo madaxwaynahooda Assiyid Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, maalintay ahaataba, maalin uun xisaabaadkoodu oo beegbeegan ay la imaan doonaan kuna biya-keeni doonaan gaboodfalayaashu ee uu ugu marggiyo iyo tun waynyahay mujrimka shaarbaha catiirka ah leh kaligiitalyaha qabyasladaytaha qurmay dhex fadhiya Villa Qashinta Soomaaliya ku taal degmada Wardhiigleey magaalada Muqdisha, kaasoo lagu magacaabo Maxamed C/LLaahi Farmaajo (Maxamed Subag-Buure).

Billaahi ruux yaqaan bulshadana badbaadin karaya ku banaanyahay guurkeedu boqorad Bahja Bad-Baadiso amar Alle laakiin!!
By:Adam Increase

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here