DAAWO SAANQAADKA DUNIDA SMC IYO DALKA BILJAMKA

0
338

Iyada oo midba midka kale kolba kii hadalka qabsada murtidu uu sii sanqaysanayay jaaliyadda Reer Maayland miskexdoodu xorowday waddanka Biljamka kamaraduhu kolkii ay hayeen Saanqaadka Dunida SMC, waxaa dhamaantooda wajiyadooda laga dheehan karayay dareen dhab ah iyo damiir dadnimo nool ku salaysan qiiro waddaniyadeed tilmaamaysa diiddo ay diiddan yihiin “Taydi waa ii gaar, Taadana kula lihi,” taaso micnaha saxda laga fahmi karayo ay tahay, inuu jiro kacdoon rasmi ah iyo feejignaan heerkiisu sareeyo ummadda Maayland ay ka qabaan magaca dowlladnimada waxa loogu Soomaaliya iyaguun si aad ah loogu gummaaday walina dharaar iyo cawaba kagu wsrjeefayo dhiiggooga iyo maalkooda kagu baabbi’inayo, sifo loogu dhameeyo dhulkooda hodanka burwaaqada badana loola wareego, dowlladnimadooso badi Soomaalida san daacadda ihi lagu buusay ee ay garwadeenku ka yihiin isbahaysiga qowmiyadda gardarada iyo daandaansiga badan Maxaga qabiilladoodu, gaar ahaan Labada-Kambani Saldheer iyo Salballaar oo qabyaalladda ugu dhaqma sidii cibaadada farakal ah oo kale.

Warbaahinta Southern Media Co-Operation barnaamijkeeda Saanqaadka Dunidu tiimkeeda warbaahineed qalabkooda mahiinadeed aadku ugu dhamaystaranyahay ooy jaantu dhigtay magaalooyin farabadan galbeedka qaaradda Yurub, waxaa Studio-yaheeda wareega magaalada Antwerpen dalka BIljamka si toosa uga soo hor muuqday bulshada qaybaheeda kala duwan Reer Maayland oo qaddiyaddoodu aad ugu durugtay aaminsana inay dalkoodu aad ugu dhex dulmunyihiin gobolladooda lagu soo duulay gabigoodna, kuwa iyaga la fil ihi, Soomaali sheeganaya, ay haystaan, taaso oo aadna mooddo, inaysan marnaba u cuntamahayn sida ay warkoodu xamaasadda leh ay u dhigayeen.

Inkastoo uu cudurka caabuqa faafanka Covid 19 jiritaanka uu jiro awgii iyo shuruucda kulamada bulshada lagu soo rogay, ay waajib noqotay dadka 98% in guryahoodu ay ku ekaadaan isku hal goob aysan ka soo wada muuqan, haddana intii uu xaaladdu u saamaxday, Reer Maayland-ka ku dhaqani waddanka Biljamka waxaa ay hoosta ka xariiqeen in wixii ka dhacay magaalada Baydhabo gobolka Baay Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland (JBM) haba yaraatee meel ay ka dhacday oo kale Soomaaliya ayan ka jirin, hadday ahaan lahayd 1940-Maadkii hoggaankoodu la dilay 1953-kii Ustaad cusmaan, 1991-1992-kii gummaadkii Saldheer xukuumaddii kacaankii milatariga Afwayne (City of dead Baidoa Mailand) “Madiinatul-Mawd Baydhowa Maayalnd” magaaladii geerida Baydhabo JBM, isirfifayntii 1996-1999-kii huwantii Salballaar ee uu horboodayay daallimkii dulmiga waynaa dhigycabkii Reer Galmudug, kii Soomaaliyaba qaska gelshay iyo fowdada Janaraal Maxamed Faarax Caaydiid oo badi ummadda Reer Maayland ay u yaqaanaan (Aw-Naardiir, mooryaankaaso RRA ay u soo qoyday hoggaanku u hayay Jeneraal Xasan Maxamed Nuur Shaaticuduud iyo khayaannadii Mudane C/Qaasim kolka laga yimaado, yaabkii dhacay gardaradii iska qaawanayd oo ay midabka siman iyo ka kala duwan Gaal iyo Islaamba adduunku uu la amakaagay 13.12.2018 barqa cad magaalada Baydhabo JBM loogu qafaashay madaxwaynihii ummadda dulman baaxadda leh webiyada degta iskana leh ee ku abtirsata qowmiyadda Maayland oo tira ahaan ka dhigan 65% guud ahaan mushtamaca Soomaaliyeed intiisi kale, hoggaamiyahaasi ruuxiga qiimiga iyo qaayaha badan oo lagu magacaabo Assiyid Shiikh Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo ah sababta kaliya loo soo afduubtay ay tahay, inaysan ummadda ku dhowaad 70-ka sanadood calanka buluugga qarannimada Soomaaliya ku hoos dulman ayan siyaasiyan iyo dhaqaaliyahanba u madax banaanaanin, sifo u dhiganta hadalkii raagay ee Soomaaliyeed “nin xaaskaagi doonaya gabadhaydi hoo kuma qanco,” iyado isla ka oraahdaasi ku sifaysan iyo mid kalo nuuciisa ay xukaamaddu firiqowday loo fondoray ceebtu kuu fadhiyaan, taaso ma ma mana ah mar kale “hadduu dhurwaa xaakim noqdo arigu xaq ma uu laha, mooyaane in isla isagii hawada lagu dubto la cuno.”

Magaalada Antwerpen Biljamka Marwo Ayaan Cali Ganney oo kulanka hoygeeda ku martigalasay ayaa si dadnimo leh uga hadashay dhibaatooyinka barmoosi-waaga ah nus qarni jirsaday guyaal iyo guyaal sida isdabajoogga loogu hayo ummadda dhulkeeda loogu yimid Reer Maayland, waxaana gabadhani dhiigga lihi ay si cod dheera ku sheegtay, in jiritaanka Jamhuuriyadda Barakaysan Ee Maayland (JBM) iyo xuduudaheedu cidina aanay lagala gorgortami karin waxaan muran aan galini uu yahay madax banaanida masiirka shucuubta balaaran Reer Maayland, iyadoona gaariyaddan aan kaftamin Mrs Ayaan Cali ay ku boorisay bulshawaynta Maayland inay dhamaantood dhaqaaqaan, dhuumo buuxsadaan, into guntiga dhiisha isaga dhigaan, dhab u dagaallamaano dhulkoogu dhacsadaan, maadaama ay tiri “geesi uu yahay midka dhimashada caadayste.”

Goobtan doodda waddaniyaddu haraysay aadkana uu uga soo karkarayay hadallada culculus masiiriga ah, waxaa sido kale si dhiifooni ku jirta dubaaqdiisu ugu soo bandhigay Mudane Idiris Xaaji Maxamed (Idiris Haaji mohamed) oo carada wajigiisu ay ka muuqanaysay dabaylkiisu nooluhu uu naafayn karay, diidda uu diiddanyahay, “darteed” bulshadiiso lagu soo gardaroodo xaqooduno la duudsiiyo iyago nool nool indhahoogu shanta yihiin.

Kulankan miisaanka lahaa waxaa madasha goobjoog ka ahaa agaasimihii hore wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha dowllada JBM Mudane Aadan Isaaq Xasan u dhashay Maayland oo sida xaqiqda si diblomaasiyo muqarar ah uga dhawaajiyay dhibaatada guud ee malaayinta Maayland ku habsatay kuna jira siduu warkiisu u dhigayay “inay laba dhaban ku jiraan,”

Si la mid ah Saanqaadka Dunida kulankan aan inaba caadiga ahayn waxaa xaadir ku ahaa Mudane Jeylaani Abuukar u dhashay Maayland oo ku nuux nuuxsaday dhibaatooyinka dabada dheeraaday ummadda Maayland guud ahaanba ku habsatay, iyado Mudane Maxamed Xasan Maxamed Gardhuub iyo Mudane C/Nuur Maxamed Isaaq ka midka ah dhallinyarada miskexdooda xorowday Maayland warkuba ku soo gabangabeeyay in wax la iska dhacsho oo kaliya dawada durugtay soo daahday malaayinta dulman Reer Maayland caafimaadkoodu ku soo dagdagi karayo uun shan farood iyo calaacal sida ku dhigan taariikhda guunka dunidan gaaban daraanteedu wareegto.

Se sawirkaba haddaad waysiyo calankii oo saaranba

By:Adam Increase

Guntii iyo gabangabadii

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here