Daawo Shirkadda Dhismaha iyo Qurxinta Guryaha ee Macquul oo deeq gargaar ah gaarsiiyay Haween danyar ah Agoon oo kunool gobolka Shabeelaha Hoose.

0
62

25 Agoon iyo haween danyar ah ayaa kafaa’ideesatay deeq Raashiin oo Shirkadda Dhismaha iyo Qurxinta Guryaha ee Macquul ay gaarsiiyeen, iyadoo munaasabada lagu qeebinayay deeqdan oo ka dhacday Wanlaweyn gabolka Shabeellaha Hoose.

Ugu horeyn Waxaa ka mahad celiyay Ustaad Cabdi kariim Suldaan ismaaciil, ayaa Shirkadda Dhismaha iyo Qurxinta Guryaha ee Macquul uga mahadceliyay deeqda Raashiinka ah ee lasoo gaarsiiyay Agoon iyo haween danyar, waxaana uu sheegay in haween danyar ay yihiin kuwo shaqooyinkoodii uu sameeyay Dagaaladii ka dhacay DegmadaWanlaweyn ee Gobolka shabeelaha Hoose.

Haweenka danta yar iyo Agoonta ee maanta loo qeeybiyay deeqda Raraashiinka ah ayaa u mahceliyay Shirkadda Dhismaha iyo Qurxinta Guryaha ee Macquul yagoo tilmaamay in xiligii ay u baahnaayeen in lasoo gaarsiiyo iyagoo hadalo ubadan duco ujeediyay muxsiniintii soo gaarsiisay gargaarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here