DAAWO SMC OO BOOQASHO SIISAY HOYGA KORNAYL MAD YARE MAD ROOBLE EE MUNSCHEN GERMANY

0
143

Southern Media Co-Operation oo ah warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya ee Jamhuuriyadda barakaysan ee Maayland waxaa ay booqasho taariikhi ah siisay hoyga halgamaa muddo la waayay kornayl Madyare Maxamed Rooble ee magaalada Munschen dalka Jarmalka.
Socdaalkan ooy saxaafaddu ugu kuurgalaysay xaaladda nindoorada dalka Maayland uuna ka mid yahay kornaylku, ayaa waxaa hoggaaminayay tiimkeedu udbahoodu wata dhigayaasheedu u dhan yihiin qalab ahaan madaxa guud ee saxaafadda Koonfurta Soomaaliya Dr C/LLaahi Ibraahin Xasan Amaandhoorey.


Salaan iyo usmarxabayn walaaltinimo dabadeed, bacdama Kornayl Madyare uu ka mid ahaa saraskiishii ururkii Wax Iska Caabbinta Raxawayn oo loo soo gaabiyo Rahawein Resistant Army (RRA) islamarkaana qibrad badan uu u leeyahay arrimaha milatiriga iyo waliba qaabaal u baxaabaxaynta cadaawaha u horayso yeyda soo xadgudubtay, ayaa waxaa wareysi taariikhda baal dahaba kaga galaya lagala yeeshay dagaalladii ay guulaha milatari ee waawayn kaga soo hoyeen huwantii Salballaar barbar-islaamka ahayd gaalo 5 daqiiqa dhimman ee uu hoggaaminayay mooryaankii Soomaaliya ugu waynaa Soomaaliba bililiqada baray Maxamed Faarax Caaydiid badina loo yaqaan Naardiir, taaso si cad ugu soo gardarooratay maalka, nafta, dhiigga, sharafta, karaamada, dadnimada, diinta, dadka iyo dalka Jamhuuriyadda barakaysan ee Maayland sanadkii 1996-kii, kadib kolkii malleeshiyada aakhirkii hoggaaminteedu uu dhaxlay agoonka Xuseen Caydiid ay hebeen madow uunko nabad ku jiifa intay Muqdisha ka soo dhuunteen sida gabraartii ay gululf gaadma geliyeen sida warankii fulayga xarunta 2-aad ee Jamhuuriyaddda magaalada Baydhabo gobolka Baay.


Kornayl Madyare oo qiiro aad u calaashaan bilaa qayaas ah wajigiisu ka muuqanaysay markii uu taariikhdii dagaalladii RRA ay Jamhuuriyaddu kaga xiraynayeen maleeshiyaadkii haarhasrka ahaa ee Salballaar teel teel u qaadaadhigayay, ayaa waxaa uu gun ugu fogaaday siday dagaalladu ay ku billaabeen iyo siday weerarada isdabajoogga habeen waliba ay ugu dhabarjabin jireen cadowga dhulkoodu xoogga ku joogay ee ka yimid gobollada dhexe sida:- Galmudug State oo dhowaan xasuuqday muwaadiniin ka soo jeeda Maayland ilaa 19 ruuxo aan hubaysanyn deegaanadeeda joogay, kuwaasoon teeriyo haatan wax xal aho la ogyahay aan laga gaarin, labadaraalana kuwii gacankudhiiglayaasha ahaa qabiilladoodu intay gadaal marsadeen ay buldaantoodu isaga daansha daanshoonayaan, misna iyako moollaysanaya ay ku hadaaqayaan “ma Eellay-Wiiq uraysa tuugsi kaliya u nool miyaa loo dilayaa wiilashayada laandheerayaasha ahe laftageela badha.


Soomaaliya oo asal ahaan luuqiyan iyo siyaasiyan u qaybsanayd 2 Maay iyo Maxa ayaa xoriyaddii khayaanadu wadatay calanka buluugga la isku dhagrayay la sheegay in Soomaalinimo wax la isugu darsado xisbigii siyaasiga xoogga badnaa waddaniga ahaa in badanna gobanimadu u soo halgamay ee Maay laga takhallusay goortii la isyiri gumaystihii wuu tagey, waxaana xisbiga Maaygu markii siyaasiyintiisi gawda laga suray ruumbo been ah into loo tumay shacbigu naxdina lagu rusheeyay loo tusay inay gumaysi-kaalkaal yihiin saaw awgeedna xitaa afkoodi laga mamnuucay dalka goor laga dhigay mid ajnabi aad u liita, waana kolkay soo caanbaxaysay goortuu ruux Maay ahi afkiisi hooyo hodanka Maayga xafiis muraad uu ka sooyeeshayo uu galo kuna hadlo Maaygiisi lagu oranayay “Waryaa Af-Soomaali Ku Hadal Ama Aamu,

” sidii Afka-Maayga oo asalka Soomaaliga la ogyahay inuu asalka Af-Soomaaligu yahay oo kaloon ahayn Af-Soomaaliba tiro xaqiraad iyo isquus kibarka fuuqfuuqaystay fuska ku laban inta laga gaaray, taasoona dacartiisu soo sundaacday sanaddii 1991-kii, misna xamxamtii iyo WilWilooyinkii mugdiga lagu tumay natiijadeedu keeneen dabadeed 1992-kii Afwaynihii sumaday magaca Madiinatul-Mawd in sanaddii 1996-kii iyana loogu gun iyo baar heshiiyo si ahaanba in Maay firkiisi laga suuliyo geyiga geeska Afrika, taasoo diiddadii ay diideen Maayguna waran-ruddayntoodu jawaabihii ka yimid aanay caana badano macaan aanay ka cabbin cidihii caanaha u doontay carrabiddoodan caweyskii cawlcawlka irid dadow dheh.


Si fuulkaanooyinkii ku farooddeeyay ummaddan ee uu faroocigu u faxaaxsaday xaajooyinkiisu loo faambiyo fashiliyo misna ay finiish iyo finaash u geeda fuusho iyo farsamooyinka adag ee looga farabaxsan karayo furuuqda figta dheer subsidy fiidkiiba fooxoodu qura u shidanyahay faladhaa Konfureed, waxaa kornayl Madyare Maxamed Rooble uu ku hadaaqay in bulshawaynta Jamhuuriyadda barakaysan ee Maayland-ka duullaanka lagu yahay dhan kastaba ay noqdaan ul iyo diirkeed magaca siman Maay ku dagaalgalaan wadajirna ay u xujuumaan cimil iyo addin weerarada aan kala go’ay lahayn isirsifaynta ah ooy ku hayaan waxaan ahayn Maaymaaygu waxa loogu yeero Maxaga wuxu.
Kornayl Madyare koorreey caddanna koob kama kabbadeen xitaa kambadhuudhsigiisina ,

By:Adam Increase

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here