Daawo Waa Kuma Wasiirka Cusub ee Cadaaladda DF Soomaaliya Maxaase Horyaal?

0
124

Markay aragtay Warbaahinta SMC arigtada Goox dadweynaha G/Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) waa wasiirka cusub ee Wasaaradda Cadaallada Soomaaliya ee dhawaan uu soo magacaabay
R/wasaaraha DFS Mudane Rooble.
Wasiir Jaamac oo ah nin aan ku cusbeyn saaxadda siyaasadda ayaa hore usoo noqday Taliye-kuxigeenka Hay’adda Sirdoonka iyo
Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed(NISA),isagoo sidoo kale hore usoo noqday Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga.
Mudane Jaamac oo ah Dhalinyaro Aqoonyahan ah isla markaana Aqoon wanaagsan u leh howlaha Sirdoonka iyo Maamulka ayaa
dadka siyaasadda falanqeeya ku tilmaameen inuu yahay Wasiir ku habboon wasaaradda loo dhiibay kana soo dhalaali kara Massuuliyadda loo igmaday.
Waxaase Wasiir C/qaadir Max,ed Nuur horyaalla imtixaano iyo howlo aad u culus oo haddii uu kasoo dhalaalo uu taariikhda
baal dahab ah ka geli doono, arrimahaas culus iyo imtixaankana waxaa kamid ah kuwo guud iyo kuwo isaga gaar ah isaga u taabanaya.

Arrimaha sida gaarka u khuseeya.
Labada arrimood ee Wasiir C/qaadir sida gaarka ah u khuseeya loogana fadhiyo inuu si deg deg ah wax uga qabto ayaa kala ah:-
1-Inuu Cadaaladda marsiiyo Dable Caydiid oo ah askarigii sida bareerka u toogtay wasiir Siraaji oo lawada ogyahay yahay
inaan illaa imminka lagu fulinin xukinkii dilka ahaa ee ay ku xukuntay Maxkamadda Garsoorku.
2-Inuu Xorriyadiisa ugu soo celiyo Sh.Muqtaar Rooboow oo si sharci darro ah gacanta laamaha amniga ugu jira muddo sanado ah.

Arrimaha sida guud u khuseeya.

Imtixaanka iyo hosha adag ee hortaal wasiir C/qaadir Max,ed Nuur ee si guud larabo inuu wax uga qabto ayaa waxaan ka xusi karnaa
1- Dib- habeynta nidaamka Garsoorka.
2-la dagaalanka musuqmaasuqa iyo laaluushka ay qaataan garsoorayaashu.
3-hagaajinta Xabsiyda iyo baarista kiisaska dadka ku jira.
4-Asaaska Maxkamadda Dastuuriga DFS.

Hadaba marka la eego waqtiga aadka u kooban ee xil-haynta wasiirka ayay ku adkaan doontaa inuu wax ka qabto dhammaan
waxyaabaha aan kor kusoo xusnay , waxaase ugu yaraan laga filanayaa inuu ka howl-galo arrimaha sida gaarkaa isaga u
taabanaya ee hadba siduu ula-falgalo ay ku xirnaan doonto mustaqbalkiisa siyaasadeed. iyadoo degaanada uu kasoo
jeedo wasiirku ee maamulka maylanda JBM ay ku qiimeyn doonaan siduu uga soo baxo imtixaanka ugu horreeya ee ah
Caddaalad marsiinta Dable caydiid iyo siideynta Sh. Mukhtaar Roobow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here