Daawo Warbixin Dagaal Lagula Jiro Xildhibaanada 30 Sano Lugooyada Ka Wada Dalka ( Sheekh Aadan Madoobe )

0
145

Falanqeynta xildhibaanada ku raagay Kuraasta oo aan maanta diirada ku saarayno xildhibaan aadan Madoowe.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Sh. Aadan Madoowe waxaa dhashay 15 April 1956-dii , waxuuna ku dhashay Magaalada Xudur ee gobolka Bakool heerkisa waxbarasho ayaa waxaa aysan dhaafsisaneyn quraan halka uu markii dambe noqday macalin ku shaqaysta dugsi quraan.

Aadan ayaa waxaa uu ku biirey ururkii xaq u dirirka ahaa ee RRA-da JBM, halkaasi oo uu ka gaaray heer gudoomiye Kuxigeen, taasoo markii dambe keenyey inuu khilaaf soo kala dhexgalo madaxdii ugu sareysay ee RRA waxaana uu qeyb ka ahaa qilaafkaasi waana mida sababtay in RRA ay gaariwaydo hadafkii loo aas aasay oo ahaa in ay xoreyaan guud ahaan dhulka Mayland ee hada loo kala qeybiyey Jubbaland iyo Koonfurgalbeed oo ah min sedax gobol, halka weli aan gacan ku jirin qeybtii ay dad mayland ka deganaayeen gobolka Banadir.

Aadan Madoowe waxaa uu siyaasada ku soo biirey xiligii Eldoret, waxaana uu waqtigaasi nasiibka u yeeshay inuu ka mid noqdo xildhibaanadii dowladii ku meelgaarka ee uu madaxweynaha ka ahaa Cabdullahi Yusuf Ahmed, taasoo horaantii xukuumadii cabdullahi yusuf uu ka noqdey wasiirka cadaalada.

31 janaayo 2007 ayaa Aadan Madoowe waxaa loo doortey gudoomiyaha Baarlamaanka KMG ee dowlada fadaraalka soomaaliya, xilkaasi oo uu baneeyey Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Dhamaadkiii bishii demcember 2008 kolkii uu is casiley Cabdullahi Yusuf, Aadan Madobe waxaa uu mudo bil ah si ku meel gaar ah u hayey xilka madaxweynaha dowada federaalka. Kaasoo uu 31 janaayo 2009 si toos ah ugu wareejiyey Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo markaasi loo doortey madaxweynaha dalka.

Adan Madoobe ayaa xilka gudoonka baalamanka waxaa uu hayey ilaa iyo horaantii sanadkii 2010 isaagoo markasi kadib xilal kala duwan kasoo qabtey dowladihii ku meel gaar ahaa ee is bedbedelayey ilaa iyo hadana waxaa uu yahay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka somaliya.

Balse suaasha u baahan in la isweydiiyo waxaa ay tahay? Ma jirta wax faaiido leh ee uu adan madoobe u qabtey guud ahaan Maayland gaar ahaan deegaanka laga soo doorto ee gobolka bakool, JBM.

Degmada xudur iyo weliba guud ahaan gobolka bakool ayaa ah gobolka aan wax isku socod ah ka jirin inta badana dadkii degenaana keentey in ay kasoo bara kaceen colaadaha ay hurinayaa kooxaha nabad diidka iyo weliba kuwo hada ka hor la baxay bakool sare oo doonaya dhul boob, Barakacayaasha degmada xudur ee uu ku dhashay Adan madoobe ayaa maanta intooda badan waxaa ay ku sugan yihiin xerooyinka magalada baydhabo iyo xerooyinka barakacayaasha magalada muqdisho.

Isku soo wada duub dhowrkan sano ee uu Ada Madoobe ahaa xildhibaan qaran jegooyin kala duwana dalka kasoo qabtey ma jirtaa wax uu ka faaiidey Aadan joogitaanka magalada muqdisho oo aan eheyn in uu weli garmaajiyo lahjada maxaaga oo uu inta sano uu dhex degen yahay.

Dad si aad ah ugu dhow xildhibaan Adan Madoobe oo aan la xiriirney ayaa inoo cadeeyey in deeqo badan waxbarasho oo ay xukuumadu ugu tala gashay gobolka uu lunsaday waxaa kaloo ay inoo sheegeen in aysan jirin wax horumar ah oo uu ka fuliyey deegaan doorashadiisa tan iyo intuu siyaasada kusoo biirey taasoo runtii ayaan daro ah.

barnaamijkan oo ay idiinkugu tala galeen warbaahinta smc waa mid taxane ah mana jirto cid ay ka tegi doonaan waxaan dul istaagi donaa dhamaan xildhibaanada kasoo galay carte iyo weliba eldorete inagoo sheegi doona waxa ay ku xun yihiin iyo weliba waxa ay ku fiican yihiin inagoo aan weliba ka tegi doonin kuwa rug cadaaga ah ee lasoo shaqeeyey dowladii keli taliyaha aheyd ee maxamed siyaad bare barnaamijkan waxaa ila daadihinayay Maaxiye, abdulkhaadir, aadan, iyo aniga oo ah yasin tan iyo inteynu kulmi doono isbuuca soo socda waxaan idin leeyahay sidaas iyo nabad gelyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here