DAAWO WAREYSI XASAASI AH SAANQAADKA DUNIDA SMC IYO GARAAD AXMED C/KARIIN CALI

0
91

Warbaahinta Southern Media Co-Operation barnaamijkeeda Saanqaadka Dunida intii ay ku guda jirtay sido kale waxaa ay kamaradaheedu soo qabteen Mudane Garaad Axmed C/Kariin Cali oo ka mid ah garaaddada Soomaalida aadkana ugu adeega bulshada Soomaalida labada qowmiyadood Maayga iyo Maxaga ku dhowaad afartan kuno ruux ee kaga nool waddanka Nederland.

Garaadka oo Saanqaadka Dunida SMC wareysi ku siinayay xafiiska jaaliyadda Soomaalida caasimadda Amsterdam dalka Holland, waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay u baahantahay in laga badbaadiyo qabqablayaasha 30-kii sanadood hortaagnaa ummadda Soomaaliyeed inay nabad ugu noolaadan waddankoodi hooyo, sida uu yiri Garaad Axmed “inay tahay in qolyahaasi gabi ahaantooda laga saaro saaxada siyaasadda.”

Wareysigan xiisaha xambaarsan intii uu si kulul uu u socday, isagoo xaraaraddiisu ay aad u kacsantahay, Garaad Axmed C/Kariin Cali waxaa uu cod dheer ku sheegay, inay lagama maarmaan ay tahay, in la helo odayaashii dhaqanka saxda ahaa, islamarkaana ay baddalaan booska qabqablayaasha talogoynta dalkuna ay majaraha u qabtaan sida baarlamanka, qaasatan midka aqalka sare, si loo helo buu yiri, “dad lagu aamini karo masiirka dalka iyo ummadda.”

Mar uu wali sii hadlayay Garaadku waxaa uu tilmaamay Soomaaliya ay ka jiraan Malaaqyo iyo Garaaddo qura dhanka odayaasha looga baahanyahay xilgudasho rasmi ah, inta soo raacdana qaladdaadkii dhacay wax laga barto, taladana loo daayo bulshada midka ay doonayso doorato, casharo wax ku lol ah laga qaato dhibaatooyinkii dalka ka dhacay sida:- dhacdooyinkii Khaatumo iyo Baydhabo JBM ka dhacay laguna soo qafaashay madaxwayne Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, qaladdaadkaaso loo baahanyahay wax wax la mid ahna inaanay Mar dambe waddanka dib uga dhicin marabnaba dibna loo saxo dibna aan loogu noqon.

Guntii iyo gabangabadii, Garaad Axmed oo buug horaan uu uga qoray burburka iyo siyaasadda Soomaaliya, waxaa uu caddeeyay buuggiisi inuu ku xardhay 39 qof dambiilayaasha uu ku sheegay qaarkood dil uu ku xukumay, sida uu carabaabay, kuwaaso dalka Soomaaliya halka ay maanta fadhido dhigay hoogga iyo baabba’a, kuwaaso qaarkoodna, ama badankood wali ay sii quuddaraynayaan, inay Soomaaliya xilalka sar sare ka qabtaanooy dibna u hoggaamiyeen sifo loogu dhameeyo dabaadigii haray ee ka booday bixisada dhacaysa aafaysa nooluhu.

Dalku miyuu u qaybsami karaa nin iyo dooqii hadalkii miisaanaa Garaad Axmed C/Kariin Calina

By: Adam Increase

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here