Daawo Waxa Qabadka Ururka horumarinta waxbarashada hooyada iyo dhallaanka ee CAMEDO

0
63

Ururka horumarinta waxbarashada hooyada iyo dhallaanka ee CAMEDO ay madaxda ka tahay halyeeyadda aqoonta durugsan leh damqashada u leh dadkeeda Drs Kaamilo C/Qaadir Caddow (Kaamila Kulmiso) waa Urur iski isuxilqaamay si bilaash ah aan dowli ahayn, islamarkaana aan macaash iyo mushqaayad-doon ahayn siyaasadna aan shaqo ku lahayn.


CAMEDO waxaa uu u taagan yahay horumarinta arrimaha bulshada iyo bini aadamnimada isago go’aankiisu yahay in uu abaabulo jiilka haatan soo koraya korna uu ugu qaadayo heer ahaan dhanka waxbarashada, aqoonta caadiga ah ee Soomaaliya, gaar ahaan Koonfurta Soomaaliya dhulka miyiga iyo magaalooyinkuba.


Ururkan waxtarka leh ee CAMEDO waxaa koox dhallinyara ay magaalada Diinsoor gobolka Baay Koonfurta Soomaaliya ku aas-aaseen sanadkii 1995-kii, kuwaaso isugu jiray ardey heerar kala duwan waxbarashada iyo xirfadaha ka kala joogay oo ay dhamaantooda u jidbaysnaayeen han ahaan caawinta bulshadooda ay ka dhasheen.
Guud ahaan ujeeddada ururku waxay ahayd horumarinta qaybaha kala duduwan baahiyaha bulshooyinku ay u qabaan in wax la baro lana horumariyo xirfadaha hooyada iyo dhallaanka, maxaa yeelay dagaalladii sokeeye iyo iskudhacyadii aafooyinka watay, waxaa ku barabaxay dad farabadan oo isla dalka gudihiisi ku qaxay, saa awgeedna CAMEDO waxaa ay had iyo jeer isku daydaa inay dadkaasi waddanka gudihiisa ku barabaxay ay ku soo celiso guryahooda, islamarkaana ay ugu noolaadaan deegaanadooda si madaxbanaan oo iskufilnaanshiya leh, waxaana CAMEDO Mar waliba ay u taagan tahay inay caawiso caruurta iyo hooyooyinka qaxoontiga ah, si ay u helaan waxbarasho taya leh iyo daryeel caafimaad oo caadi ah, iyada oo geesta kalana ka shaqaynaysa dhawritaanka deegaanka kana qaadanaysa door muhiim ah ka feejignaanta khataraha cudurada ay xambaarsan yihiin sida:- HIV/Aids, FGM iyo Daroogooyinku ay u sheegayso dhallintu.


CAMEDO badanaa waxay ka hawlgashaa dhulka baahiyaha ah, maadamaa inta badan miyigu ay ku noolyihiin dadka dhibaatooyinka dhaqaale la daalaadhacaaya farqinimadu sababteedu ay ku yimaadeen heerka waxbarashada hoosaysa, xirfad li’idu, fursadaha shaqooyinko aad u yar iyo adeeggii caadiga dadweynuhu aan jirin.
Isku soo wada duubo waxqabadka ururka cajiibka ah sida runta ah dalku aadku ugu baahanyahay oon halkan lagu soo koobi karin, CAMEDO waxaa uu wanaanoyin siiyaa dadka deegaanka inaysan dhayalsan oo ay gabdhaha iyo wiilashu si siman wax loo baro, maxaa wacay, maraan dhowayn qaaradda Afrika gabi ahaanba, waxaa ka jiri jirtay in gabdhaha aysan waxbarashadu u heli jirin sida wiilasha ay helaan, waxaana CAMEDO ay ka libkeentay kuna raad joogtaa inay waxbarto, xitaa waalidiinta si bay’ado dhami ay u noqoto meel jahligu aanu jaanis uga furnayn ugana soo baxdo bulsho gabigeed horumarsan guul ku talaabsanaysa lana jaanqaadi kadha caalamka horumaray intiisi kale.


Qorshayaasha faa’iidooyinka leh ee ururkan CAMEDO oo aynaan qormo iyo labo ku soo kobi karin, haddii mid iyo labo aan ka taatabano dhanka Koonfurta, waxaa ka mid ah, in gobollada Bakool iyo Baay ceel-biyoodyo ka qoddo, gaarsiinta dawooyin iyo raashiin goobaha Alshabaab laga xoreeyay, ku gargaaridda barabaxayaasha deegaanadoodu inay dib ugu soo laabtaan si ayna u gaaraan iskufilnaanshiyo nololeed, ubadka qaxoontiyadu inay helaan buugaag, dhar Uniform ooy iskuulaadka ku aadaan iyo ku caawinta hooyooyinka waxbarashada iyo xirfadaha ay ku shaqaysan karayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here