DAAWO WIIL 9 SANO JIR AH OO DAADAD SOOROGMADAY BAYDHABO KU DILEEN

0
90

Baydhabo Somaliya-{SMCNEWSS}-Shalay Galankii Danbe Roobab Lixaad leh ayaa ka Da’ay Baydhowa waxay Geysteen Qasaaro Nafeed Kadib Markii Daadad ka soo Rogmadey Dhanka Maya Fuulka ay sababen in Dilaaciyaan Ilaa LIx Mitir oo Dhulka Hoos u qodaan.
Xaafada Bukriyey oo ku Taala Koonfurta Magaalada Baydhowa.
Bohoshan oo Laba Dhan ka Go’adey Biyo Dhaceeda oo ku qol qoley Doohooyinka Yar yar ayaa sababey in ay Qaadaan Wiil Yar oo 9sano Jir ah oo Markaasi Dugsi ka yimid isaga iyo Walaashiis ka weyn kadibna Biyihii ay la tageen Wiilka uuna ku dhintey.
Wiilka ayaa lagu Magacaabi Jirey Maxamed Cali Jikow, Qoyskooda ayaa DEgan Xero Barakac ah oo lagu Magacaabo Iskiriis Mar aan Booqdey Kaamka Ayaan kula Kulmey Wiilka Geeriyoodey Hooyadiis iyo Aabihiis, Inkastoo Hooyada ay kari weysey in ay Hadasho waxaa ii waramey Aabaha Wiika oo Lagu Magacaabo Cali Cabdi Jikow.

Horjoogaha Kaamka Isaaq Macalin oo isna Goobta Tacsiyada kula Kulmey ayaa Iiga Warbixiyey Dadka Degan kaamka Dhabiitada ay ku qabaan Biyo Qul qulka Bohosha Xiliga uu Roobka Da’ayo oo inta Badan Xalis ku ah in ay Dadka isaga Gudbaan Gaar ahaan Caruurta Gadiga kale u aada Dugsiga Qur’aanka oo Marka Qaar ay Dhici karto Sidii Shalay oo kale iyadio Kaamka Dad weyn aysan Joogin CAruuruhu Biyaha Daadka Latagi karaan.
Dilaaca ka MUuqda Dhulka iyo Boholaha Samesmey iyo Dhulka oo Hoos u sii Qodmaya waxay Muujinayaan in Roobabka LIxaadka leh ee Hada D’aya HAdii Aanan Lahelin GUrmad Biyo Xireen loogu sameynaayo Daadadka ku soo Rogmanaya Taaga Maaya Fuulka in ay Keeni karaan Dhibaatooyin Soo gaara Barakacayaasha aan Heysanin Guryo Fiican oo Celin kara Biyaha Daadaya ee Dad latagi kara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here